1 Korintos 2:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 1:17 : 17 Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
  • 1 Kor 2:4 : 4 Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
  • 1 Kor 2:13 : 13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.
  • Bax 4:10 : 10 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay.
  • Ish 8:20 : 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
  • Yer 1:6-7 : 6 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, anigu ma aan hadli karo, waayo, dhallinyaraan ahay. 7 Laakiinse Rabbigu wuxuu igu yidhi, Ha odhan, Dhallinyaraan ahay, waayo, waa inaad u tagtaa qof kasta oo aan kuu diri doono, oo wax alla wixii aan kugu amri doonoba waa inaad ku hadashaa.
  • Fal 18:1-4 : 1 ¶ Waxyaalahaas dabadeed Ateenay ayuu ka tegey, oo wuxuu yimid Korintos. 2 Meeshaasna wuxuu ka helay Yuhuudi Akula la odhan jiray, oo reer Bontos ah, oo mar dhow haweenaydiisa Bariskilla kala yimid Itaaliya, maxaa yeelay, Kalawdiyos baa ku amray Yuhuudda oo dhan inay Rooma ka tagaan; wuuna u yimid iyagii. 3 Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal. 4 Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.
  • Fal 20:21 : 21 anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Fal 22:18 : 18 oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.
  • Room 16:18 : 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
  • 1 Kor 1:6 : 6 sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;
  • 2 Kor 10:10 : 10 Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.
  • 2 Kor 11:6 : 6 Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.
  • 2 Tes 1:10 : 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
  • 1 Tim 1:11 : 11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
  • 2 Tim 1:8 : 8 Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.
  • 1 Yoox 4:14 : 14 Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo.
  • 1 Yoox 5:11-13 : 11 Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto. 12 Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh. 13 ¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.
  • Muj 1:2 : 2 kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan.
  • Muj 1:9 : 9 ¶ Anigoo Yooxanaa ah oo walaalkiin ah iyo mid idinkala qayb galay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada ku jira Ciise, waxaan gasiiradda Batmos la yidhaahdo u joogay erayga Ilaah iyo u markhaatifuridda Ciise aawadood.
  • Muj 19:10 : 10 Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 2:2-6
    5 aayado
    84%

    2waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.

    3Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.

    4Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,

    5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.

    6¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono;

  • 78%

    17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.

    18¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.

    19Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.

  • 5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

  • 23¶ Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.

  • 1 Tes 2:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Waayo, walaalayaalow, waxaad og tihiin imaatinkayagii aannu idiin nimid inuusan noqon mid aan waxtar lahayn.

    2Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna.

  • Gal 1:11-12
    2 aayado
    75%

    11¶ Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.

    12Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.

  • 16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.

  • 1¶ Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin,

  • 21Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga.

  • 16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

  • 13Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan.

  • 71%

    15¶ Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;

    16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.

  • 1¶ Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin.

  • 1¶ Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.

  • 1¶ Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo.

  • 19Laakiin dhowaan baan idiin iman doonaa, haddii Rabbigu yidhaahdo, oo markaasaan garan doonaa kuwa kibray xooggooda, ee ma aha hadalkooda.

  • 12Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.

  • 2Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.

  • 70%

    23annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.

    24Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.

  • 9Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.

  • 12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

  • 12¶ Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay,

  • 1¶ Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,

  • 1 Tes 2:5-6
    2 aayado
    70%

    5Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.

    6Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.

  • 2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

  • 13Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.

  • 2 Kor 11:5-7
    3 aayado
    70%

    5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.

    6Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.

    7Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?

  • 8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.

  • 6Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?

  • 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

  • 17laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.

  • 17Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa.

  • 3Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid.

  • 15inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa.

  • 1¶ Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.

  • 18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

  • 4¶ Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.