1 Tessaloniika 2:9
Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.
Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.
8Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
10Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin.
1¶ Waayo, walaalayaalow, waxaad og tihiin imaatinkayagii aannu idiin nimid inuusan noqon mid aan waxtar lahayn.
2Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna.
3Waayo, waanadayadu kama iman qalad ama wasakh ama khiyaano,
4laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.
5Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.
6Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.
7Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.
8Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.
10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.
11Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,
5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.
6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.
7Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.
8Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.
9Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,
3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
7Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?
8Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego.
9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
8Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
17¶ Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna;
5Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.
4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,
5oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.
13¶ Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.
9Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?
10Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
14Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix,
4Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.
5Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye.
6Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannan shaqayn?
12Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.
18Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka.
1¶ Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;
2oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,
9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;
20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,
24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.
1¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.
2Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.
12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.
16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.
19¶ Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan.