1 Korintos 3:9
Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
4Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?
5Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.
6Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
7Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.
8Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.
10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,
19Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah,
20oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
21Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah.
22Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
1¶ Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,
16¶ Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
17Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
6Ninka beerta leh ee hawshoodaa waa inuu ahaadaa kan ugu horreeya oo midhaha ka qayb qaata.
4Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah.
23Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,
5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
10Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.
8Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
29Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.
10mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo.
11Haddaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano?
1¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
9Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.
5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
30waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.
14Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa.
1¶ Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah.
16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.
58Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.
3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
2Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan,
6Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannan shaqayn?
7Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?
11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.
12Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,
5Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.
27¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.
16kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
17Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha.
5ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin iskufillaantayadu waa xagga Ilaah,
37Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.
24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.
11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.
9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.