2 Korintos 5:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 But 1:13-14 : 13 Waxaa ila qumman in in alla intii aan jidhkan ku jiro aan xusuusin idinku guubaabiyo. 14 Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.
  • Cib 9:11 : 11 ¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.
  • Cib 9:24 : 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
  • 2 Kor 4:7 : 7 ¶ Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.
  • 1 Yoox 3:2 : 2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
  • 2 Kor 5:4 : 4 Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
  • Ayuub 4:19 : 19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!
  • 1 But 1:4 : 4 oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.
  • Bil 3:19 : 19 Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.
  • 2 But 3:11 : 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,
  • Cib 11:10 : 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
  • Yoox 14:2-3 : 2 Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. 3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.
  • 1 Kor 3:9 : 9 Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
  • 1 Kor 15:46-48 : 46 Hase ahaatee, kan ruuxa lihi ma aha kii ugu horreeyey laakiin kan nafta leh, markaasna kan ruuxa leh. 47 Ninkii ugu horreeyey waa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kan jannada. 48 Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale.
  • Ayuub 19:25-26 : 25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono. 26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
  • Ayuub 30:22 : 22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
  • Sab 56:9 : 9 Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
  • Kol 2:11 : 11 Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
  • 1 Yoox 3:14 : 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.
  • 1 Yoox 3:19 : 19 ¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa
  • 1 Yoox 5:19-20 : 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
  • Mark 14:58 : 58 Waxaannu maqalnay isagoo leh, Macbudkan gacmo lagu sameeyey ayaan dudumin doonaa, saddex maalmood dabadeed waxaan dhisi doonaa mid kale oo aan gacmo lagu samayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 5:2-9
    8 aayado
    89%

    2Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.

    3Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.

    4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.

    5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.

    6Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,

    7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

    8Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.

    9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.

  • 14Waayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.

  • 4Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah.

  • 73%

    16¶ Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?

    17Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.

  • 73%

    16¶ Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa.

    17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

    18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

  • 14Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.

  • Ef 2:21-22
    2 aayado
    72%

    21Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah.

    22Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.

  • 1 Kor 3:9-10
    2 aayado
    72%

    9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.

    10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

  • 11¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.

  • 6Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.

  • 2kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

  • 20Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix.

  • 70%

    49Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.

    50¶ Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.

    51Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,

  • 2Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.

  • 53Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.

  • 4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • 7¶ Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan.

  • 21Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.

  • 13Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.

  • 15Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.

  • 5Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.

  • 24Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,

  • 16¶ Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.

  • 11Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya.

  • 15in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa.

  • 19Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin,

  • 13¶ Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.

  • 11Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.

  • 5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

  • 24Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.

  • 30waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.

  • 48¶ Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,

  • 13Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.

  • 44Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa.

  • 11¶ Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.

  • 11Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,