Yooxanaa 14:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 13:36 : 36 ¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.
  • Cib 13:14 : 14 Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.
  • Muj 21:2 : 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay.
  • 2 Kor 5:1 : 1 ¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
  • Muj 3:12 : 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.
  • Yoox 16:4 : 4 Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay. Tan iyo bilowgii waxyaalahaas idinkulama hadlin, maxaa yeelay, waan idinla joogay.
  • Yoox 13:33 : 33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
  • Cib 11:14-16 : 14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. 15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. 16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
  • Muj 1:5 : 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,
  • Cib 11:10 : 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
  • Yoox 12:25-26 : 25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah. 26 Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.
  • Luuk 14:26-33 : 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27 Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo. 28 Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale? 29 Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan, 30 iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay. 31 Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya? 32 Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo. 33 Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.
  • Yoox 17:24 : 24 ¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.
  • Fal 9:16 : 16 maxaa yeelay, waxaan tusi doonaa waxyaalaha waajib ku ah inuu u silco magacaygii dartiis.
  • 1 Tes 3:3-4 : 3 inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. 4 Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.
  • 1 Tes 5:9 : 9 Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
  • 2 Tes 1:4-9 : 4 Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan. 5 Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan. 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
  • Titus 1:2 : 2 iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood,
  • Cib 6:20 : 20 meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.
  • Cib 9:8 : 8 Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.
  • Cib 9:23-26 : 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo. 25 Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn. 26 Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa.
  • Muj 3:21 : 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.
  • Muj 21:10-27 : 10 Oo iyana waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay buur weyn oo dheer, oo waxay i tustay magaalada Yeruusaalem oo quduuska ah oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, 11 oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale; 12 oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil; 13 oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood. 14 Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac. 15 ¶ Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda. 16 Oo magaaladuna waxay u dhisnayd afar gees, oo dhererkeeduna wuxuu le'ekaa ballaadhkeeda; oo markaasay waxay magaaladii ku qiyaastay cawsduurkii, oo waxay noqotay laba iyo toban kun oo istaadiyon; oo dhererkeeda iyo ballaadhkeeda iyo sarajooggeeduba waa isla ekaayeen. 17 Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig. 18 Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah. 19 Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud, 20 kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos. 21 Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko. 22 ¶ Oo dhexdeedana macbud kuma arag; waayo, Rabbiga ah Ilaaha Qaadirkaa iyo Wanka ayaa waxay yihiin macbudkeeda. 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka. 24 Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan. 25 Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono); 26 oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha; 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 14:3-7
    5 aayado
    91%

    3Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.

    4Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin.

    5Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?

    6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.

    7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

  • 1¶ Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.

  • 79%

    27Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.

    28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.

    29Haatan waxaan idiinku sheegay intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan.

  • 75%

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.

  • 74%

    15¶ Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan.

    16Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin,

    17waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.

    18Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.

    19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.

    20Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.

    21Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga.

  • 23Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.

  • 73%

    15Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.

    16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

    17Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?

  • 33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

  • Yoox 16:5-7
    3 aayado
    72%

    5Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa?

    6Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay.

    7Laakiin runta ayaan idiin sheegayaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.

  • 72%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

    12Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.

  • 72%

    27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.

    28Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.

  • 25¶ Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay,

  • Yoox 8:21-22
    2 aayado
    71%

    21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

    22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 10xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe;

  • 31Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

  • 70%

    11Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

  • 2 Kor 5:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.

    2Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.

  • 22Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.

  • 33Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.

  • 28Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

  • 36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

  • 34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

  • 12Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?

  • 24¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.

  • 9Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.

  • 11¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.

  • 14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.