Yooxanaa 8:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 7:34 : 34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
  • Yoox 8:24 : 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
  • Yoox 13:33 : 33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
  • 1 Kor 15:17-18 : 17 Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan. 18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.
  • Ef 2:1 : 1 ¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,
  • Yoox 12:33 : 33 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
  • Yoox 12:35 : 35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.
  • 1 Boq 18:10 : 10 Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.
  • 2 Boq 2:16-17 : 16 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin. 17 Oo way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin.
  • Ayuub 20:11 : 11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
  • Sab 73:18-20 : 18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan. 19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi. 20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
  • Maah 11:7 : 7 Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
  • Maah 14:32 : 32 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.
  • Ish 65:20 : 20 Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran.
  • Yex 3:18-19 : 18 Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa. 19 Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
  • Mat 23:39 : 39 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
  • Mat 24:23-24 : 23 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Mat 25:41 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.
  • Mat 25:46 : 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Luuk 16:22-26 : 22 Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay. 23 Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan. 24 Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa. 25 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa. 26 Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 8:22-25
    4 aayado
    89%

    22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

    23Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.

    24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

    25Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

  • Yoox 7:33-36
    4 aayado
    86%

    33Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.

    34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

    35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?

    36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • 33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

  • Yoox 14:2-7
    6 aayado
    80%

    2Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.

    3Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.

    4Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin.

    5Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?

    6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.

    7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

  • 5Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa?

  • 36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

  • 78%

    16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

    17Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?

    18Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.

    19Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?

  • 14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

  • Yoox 5:38-40
    3 aayado
    77%

    38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

    40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

  • 8Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene.

  • 28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.

  • 10xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe;

  • 12¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

  • 19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.

  • 67¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?

  • Yoox 8:19-20
    2 aayado
    74%

    19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • Yoox 8:51-52
    2 aayado
    74%

    51Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.

    52Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.

  • 28Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.

  • 19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • Yoox 11:7-8
    2 aayado
    73%

    7Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

    8Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

  • 8Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.

  • 36¶ Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

  • 31Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

  • 68Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.

  • 46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

  • 22Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.

  • 43Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.

  • 22Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.

  • 35Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.

  • 41Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

  • 65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.