Yooxanaa 11:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 9:51 : 51 ¶ Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.
  • Yoox 10:40-42 : 40 ¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay, 41 oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen. 42 Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.
  • Fal 15:36 : 36 ¶ Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.
  • Fal 20:22-24 : 22 Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona; 23 in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin. 24 Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 3ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

  • 76%

    14Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.

    15Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.

    16Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.

    17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • 43¶ Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

  • 6Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.

  • 74%

    16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

    17Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

  • 35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 54¶ Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.

  • Yoox 7:8-11
    4 aayado
    73%

    8Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.

    9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

    10¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.

    11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?

  • 40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • Yoox 8:21-22
    2 aayado
    72%

    21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

    22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 72%

    11Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.

    12Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 1¶ Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • 11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.

  • 33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

  • 42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 10Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.

  • 54Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.

  • 67¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?

  • 31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

  • 4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • 8Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.

  • 31Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

  • 13¶ Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

  • 31¶ Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.

  • 13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

  • 1¶ Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.

  • 1¶ Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

  • 1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.

  • 1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

  • 1¶ Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.

  • 36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

  • 28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.