Yooxanaa 11:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 11:19 : 19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
  • 1 Kor 2:15 : 15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.
  • Bil 37:35 : 35 Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.
  • 2 Sam 12:16-18 : 16 ¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay. 17 Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin. 18 Oo maalintii toddobaad ayaa yarkii dhintay. Oo Daa'uud addoommadiisiina way ka cabsadeen inay Daa'uud u sheegaan in yarkii dhintay, waayo, waxay isyidhaahdeen, War intii yarku weli noolaa ayaynu isaga la hadalnay, oo isna codkeennii ma uu maqlin; haddaba haddaynu u sheegno in yarkii dhintay, intee in ka badan buu isdhibi doonaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

    33Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.

    34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

    35Ciise waa ooyay.

    36Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.

  • 83%

    28¶ Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.

    29Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay.

    30Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.

  • 83%

    19Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.

    20¶ Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.

    21Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

  • 79%

    10Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.

    11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

  • 10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.

  • Mark 5:38-39
    2 aayado
    76%

    38Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.

    39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.

  • Yoox 11:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

    2Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.

    3Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • Luuk 8:51-54
    4 aayado
    75%

    51Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee.

    52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.

    53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.

    54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.

  • 74%

    38¶ Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.

    39Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.

  • 23Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.

  • 74%

    43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

    44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

    45¶ Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.

  • 15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • Yoox 11:5-6
    2 aayado
    74%

    5¶ Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.

    6Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.

  • Luuk 7:11-13
    3 aayado
    74%

    11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.

    12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.

    13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.

  • 13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

  • Yoox 20:2-3
    2 aayado
    73%

    2Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen.

    3Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii.

  • 15Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.

  • 47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • 38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 9¶ Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 39¶ Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

  • 40Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato.

  • 41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.

  • 25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.

  • 11Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.