Markos 15:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 15:40 : 40 Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
  • Mark 16:1 : 1 ¶ Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.
  • Luuk 23:55-24:2 : 55 Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay. 56 Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa. 1 ¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. 2 Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.
  • Mat 27:61 : 61 Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.
  • Mat 28:1 : 1 ¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 27:55-62
    8 aayado
    84%

    55Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,

    56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

    57¶ Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.

    58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.

    59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

    60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

    61Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.

    62¶ Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,

  • 82%

    40Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,

    41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.

    42¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,

    43waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

  • 81%

    45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.

    46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

  • Mark 16:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.

    2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.

    3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

  • 79%

    52Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

    53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.

    54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.

    55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.

  • Mat 28:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

    2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.

  • 77%

    11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

    12Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha.

    13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

  • 77%

    25¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.

    26Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii.

    27Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi, Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey.

  • Yoox 20:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday.

    2Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen.

  • 10Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.

  • 15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • 74%

    40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

    41Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.

    42Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

  • 73%

    31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

    32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

  • 38¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.

  • 34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • Mark 16:9-10
    2 aayado
    72%

    9¶ Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.

    10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 6Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal

  • 29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

  • 49Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas dayaya.

  • 6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

  • 66Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

  • 2Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.