Yooxanaa 20:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 16:15-16 : 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? 16 Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.
  • Luuk 22:31-32 : 31 ¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
  • Yoox 6:67-69 : 67 ¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan? 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe. 69 Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
  • Yoox 18:17 : 17 Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi.
  • Yoox 18:25-27 : 25 ¶ Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi. 26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.
  • Yoox 21:7 : 7 Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.
  • Yoox 21:15-17 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 20:1-5
    5 aayado
    88%

    1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday.

    2Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen.

    3Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii.

    4Way wada ordeen labadoodiiba, oo kii kale oo xerta ahaa ayaa Butros ka dheereeyey, oo uga hor maray xabaashii.

    5Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin.

  • 12Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.

  • Yoox 20:7-15
    9 aayado
    82%

    7iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd.

    8Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay.

    9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

    10Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.

    11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

    12Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha.

    13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

    14Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay.

    15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • Mark 16:2-8
    7 aayado
    77%

    2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.

    3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

    4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.

    5Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.

    6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

    7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

    8Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.

  • 76%

    46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

    47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • Luuk 24:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.

    2Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.

    3Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

  • 74%

    22Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.

    23Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.

    24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

  • Mat 27:59-60
    2 aayado
    74%

    59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

    60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

  • 53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.

  • Mat 28:6-7
    2 aayado
    73%

    6Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.

    7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.

  • 44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • 55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.

  • 34iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.

  • 34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • 72%

    15¶ Waxaa Ciise daba socday Simoon Butros iyo mid kale oo xer ah. Ninkaas xerta ahaa wadaadka sare waa garanayay, wuuna la galay Ciise barxadda wadaadkii sare.

    16Butros se wuxuu taagnaa albaabka agtiisa oo dibadda ah. Sidaa daraaddeed kii kale oo xerta ahaa oo wadaadka sare garanayay ayaa dibadda u soo baxay oo la hadlay tii albaabka ilaalinaysay, oo Butros ayuu soo geliyey.

  • Mat 28:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

    2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.

  • 7Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.

  • 71%

    40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

    41Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.

  • 58Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko.

  • 5Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?

  • 20¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.