Luukos 7:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 11:2-9 : 2 ¶ Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray 3 oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa? 4 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. 5 Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa, 6 oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin. 7 Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 8 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. 9 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada. 11 ¶ Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo. 16 ¶ Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa, 17 iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen. 18 Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 19 Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.
  • Yoox 3:26 : 26 Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 7:19-20
    2 aayado
    83%

    19Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?

    20Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?

  • Mat 11:2-4
    3 aayado
    81%

    2¶ Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray

    3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?

    4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • 17Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan.

  • Yoox 3:25-26
    2 aayado
    80%

    25Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan.

    26Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

  • 13Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.

  • 19¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?

  • Yoox 1:33-37
    5 aayado
    76%

    33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

    34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.

    35¶ Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.

    36Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.

    37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

  • 33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.

  • 22Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

  • 24¶ Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?

  • 75%

    40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

    41oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.

  • 28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

  • 7Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • Yoox 4:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa

    2(in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),

  • 5Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

  • 27Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.

  • 14¶ Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa?

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 7¶ Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,

  • 2oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.

  • 17¶ Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay.

  • 9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.

  • 25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

  • 15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

  • 7Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo.

  • 7Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

  • Yoox 1:6-7
    2 aayado
    72%

    6¶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.

    7Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.

  • 18¶ Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. Isagay u yimaadeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu maxay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa?

  • 3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • Yoox 1:30-31
    2 aayado
    72%

    30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

  • 33Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa.

  • 15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.