Yooxanaa 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 7:19 : 19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
  • Yoox 4:3 : 3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
  • Yoox 5:16-18 : 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii. 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.
  • Mat 10:23 : 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
  • Mat 21:38 : 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.
  • Luuk 13:31-33 : 31 ¶ Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
  • Yoox 1:19 : 19 ¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?
  • Fal 10:38 : 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.
  • Yoox 4:54 : 54 Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.
  • Yoox 7:25 : 25 ¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
  • Yoox 8:37 : 37 Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.
  • Yoox 8:40 : 40 Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.
  • Yoox 10:39-40 : 39 Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda. 40 ¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,
  • Yoox 11:53-54 : 53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan. 54 ¶ Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 7:2-3
    2 aayado
    79%

    2Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.

    3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • Yoox 7:7-11
    5 aayado
    77%

    7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

    8Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.

    9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

    10¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.

    11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?

  • 16Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.

  • Yoox 7:13-14
    2 aayado
    75%

    13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

    14¶ Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.

  • 74%

    53Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.

    54¶ Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.

    55Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.

    56Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?

    57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

  • Yoox 11:7-8
    2 aayado
    74%

    7Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

    8Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

  • 1¶ Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.

  • 25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?

  • Yoox 7:34-36
    3 aayado
    73%

    34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

    35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?

    36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • 3ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

  • 1¶ Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • Yoox 7:19-20
    2 aayado
    72%

    19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?

    20Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?

  • 30¶ Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • Yoox 8:20-22
    3 aayado
    70%

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

    21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

    22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.

  • 31¶ Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.

  • 59Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

  • 69%

    39Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.

    40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

  • 44Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.

  • 13¶ Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • 43¶ Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 7Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared.

  • 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.

  • 1¶ Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.

  • 4Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.

  • 1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 11Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 18Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

  • 30¶ Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.