Yooxanaa 7:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:17 : 17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
  • Mat 12:14 : 14 Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.
  • Yoox 7:1 : 1 ¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
  • Yoox 7:25 : 25 ¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
  • Yoox 9:28-29 : 28 Markaasay caayeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adigu xertiisa baad tahay, annaguse waxaannu nahay xertii Muuse. 29 Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.
  • Yoox 10:31-32 : 31 ¶ Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan. 32 Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?
  • Yoox 10:39 : 39 Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.
  • Yoox 11:53 : 53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
  • Fal 7:38 : 38 Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.
  • Room 2:12-13 : 12 In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa; 13 waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.
  • Room 2:17-29 : 17 ¶ Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid, 18 oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray, 19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira, 20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis? 24 Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran. 25 Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo. 26 Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin? 27 Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta? 28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
  • Room 3:10-23 : 10 Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; 11 Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; 12 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba; 13 Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis; 14 Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh; 15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan; 16 Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba'; 17 Jidka nabaddana ma yaqaaniin; 18 Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal. 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga. 21 ¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;
  • Gal 3:19 : 19 ¶ Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis.
  • Gal 6:13 : 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.
  • Cib 3:3-5 : 3 Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. 4 Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. 5 Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono.
  • Mat 21:38 : 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.
  • Mat 23:2-4 : 2 oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse. 3 Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan. 4 Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.
  • Mark 3:4 : 4 Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.
  • Mark 3:6 : 6 Markaasaa Farrisiintu baxeen, oo markiiba waxay kala tashadeen Herodosiintii si ay u dilaan isaga.
  • Bax 24:2-3 : 2 oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin. 3 Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.
  • Sharc 1:17 : 17 Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.
  • Sharc 33:4 : 4 Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
  • Sab 2:1-6 : 1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? 2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh, 3 Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno. 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa. 5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh, 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
  • Yoox 5:16 : 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.
  • Yoox 5:18 : 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.
  • Yoox 5:45 : 45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 7:20-25
    6 aayado
    83%

    20Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?

    21Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.

    22Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.

    23Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?

    24Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.

    25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?

  • 5Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

  • 40Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.

  • 36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • 52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • Yoox 5:45-46
    2 aayado
    72%

    45Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.

    46Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.

  • 46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

  • 7Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

  • 18Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • Fal 7:27-28
    2 aayado
    72%

    27Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?

    28Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?

  • 3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?

  • 37Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

  • Yoox 5:38-40
    3 aayado
    72%

    38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

    40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

  • 7Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

  • 51Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?

  • 18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

  • 31Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,

  • 34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

  • 70%

    32Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?

    33Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso.

  • 45¶ Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?

  • 18Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

  • 32Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.

  • Mark 7:9-10
    2 aayado
    70%

    9¶ Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan.

    10Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.

  • 16Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.

  • 57Maxaad qudhiinnu waxa xaqa ah u xukumi weydaan?

  • 28Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

  • 11Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.

  • 50Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.

  • 37Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale.

  • Yoox 8:52-53
    2 aayado
    69%

    52Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.

    53Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?

  • 13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Yoox 8:20-21
    2 aayado
    69%

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

    21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 16Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.

  • 30¶ Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • 11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?