Yooxanaa 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 5:31-47 : 31 Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha. 32 Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay. 33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta. 34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan. 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa. 36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray. 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa. 38 Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen. 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan. 41 ¶ Anigu dadka ammaan kama qaato. 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin. 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan. 44 Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah? 45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen. 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray. 47 Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 8:14-19
    6 aayado
    85%

    14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

    15Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.

    16Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray.

    17Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run.

    18Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.

    19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • Yoox 5:31-34
    4 aayado
    78%

    31Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.

    32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.

    33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.

    34Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan.

  • 12¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

  • Yoox 8:45-47
    3 aayado
    75%

    45Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.

    46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

    47Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

  • Yoox 3:10-11
    2 aayado
    74%

    10Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?

    11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

  • Yoox 8:53-55
    3 aayado
    74%

    53Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?

    54Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.

    55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • Yoox 8:23-26
    4 aayado
    73%

    23Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.

    24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

    25Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

    26Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.

  • 28¶ Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.

  • 38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

  • Yoox 5:38-39
    2 aayado
    72%

    38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

  • 25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

  • 36Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.

  • Yoox 9:40-41
    2 aayado
    71%

    40Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?

    41Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

  • Yoox 7:18-19
    2 aayado
    71%

    18Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.

    19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?

  • 19Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.

  • Yoox 8:40-41
    2 aayado
    71%

    40Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.

    41Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

  • 33Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso.

  • 50Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.

  • 37Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.

  • 36ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?

  • 44Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?

  • 21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

  • 28Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.

  • 4Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.

  • 21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 50Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi,

  • 71Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 28Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.