Yooxanaa 10:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:38 : 38 Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.
  • Yoox 8:58 : 58 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.
  • Yoox 5:17-43 : 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay. 19 ¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa. 20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan. 21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo. 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray. 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha. 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka. 30 ¶ Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono, waxaanse doonaa doonista kii i soo diray. 31 Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha. 32 Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay. 33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta. 34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan. 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa. 36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray. 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa. 38 Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen. 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan. 41 ¶ Anigu dadka ammaan kama qaato. 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin. 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.
  • Yoox 8:12 : 12 ¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
  • Yoox 8:24 : 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
  • Yoox 7:31 : 31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
  • Yoox 10:32 : 32 Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?
  • Yoox 3:2 : 2 Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
  • Yoox 11:47 : 47 ¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
  • Yoox 12:37 : 37 ¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;
  • Yoox 14:11 : 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
  • Yoox 20:30 : 30 ¶ Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qorrayn kitaabkan.
  • Fal 2:22 : 22 ¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
  • Fal 10:38 : 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.
  • Cib 2:3 : 3 sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    36ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?

    37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.

    38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 83%

    26laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin.

    27Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan.

  • Yoox 5:36-39
    4 aayado
    80%

    36Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.

    37Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.

    38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

  • 80%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

    12Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.

  • 32Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?

  • 36¶ Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

  • Yoox 8:38-39
    2 aayado
    75%

    38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

    39Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.

  • Yoox 3:11-12
    2 aayado
    75%

    11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

    12Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?

  • Yoox 6:28-30
    3 aayado
    75%

    28Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?

    29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.

    30Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?

  • Yoox 8:45-47
    3 aayado
    75%

    45Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.

    46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

    47Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

  • Yoox 8:18-19
    2 aayado
    74%

    18Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.

    19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • 24Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.

  • 17Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.

  • Yoox 8:24-28
    5 aayado
    73%

    24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

    25Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

    26Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.

    27Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

    28Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.

  • Yoox 5:31-32
    2 aayado
    73%

    31Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.

    32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.

  • Yoox 5:46-47
    2 aayado
    73%

    46Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.

    47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?

  • 44¶ Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

  • 37¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

  • Yoox 8:13-14
    2 aayado
    73%

    13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

    14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

  • Yoox 5:19-20
    2 aayado
    73%

    19¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.

    20Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.

  • 24Yuhuuddu haddaba waxay isugu soo urureen hareerihiisa oo ku yidhaahdeen, Tan iyo goormaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddii aad Masiixa tahay bayaan noogu sheeg.

  • 43Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.

  • 31Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?

  • 55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 8Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene.

  • 67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.

  • 27Wuxuu ugu jawaabay, Horaan idiinku sheegay, mana aydnaan maqlin. Maxaad u doonaysaan inaad mar kale maqashaan? Idinkuna ma waxaad doonaysaan inaad xertiisa noqotaan?