Yooxanaa 5:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:25 : 25 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,
  • Yoox 8:28-29 : 28 Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa. 29 Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga.
  • Mat 24:5 : 5 Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
  • Yoox 17:4-6 : 4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo. 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin. 6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.
  • Fal 5:36-37 : 36 Maxaa yeelay, hadda ka hor waxaa kacay Tudas, isagoo nin weyn iska dhigaya, kaasoo niman badan oo qiyaas afar boqol gaadhaa raaceen. Isagii waa la dilay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen, oo waxay noqdeen wax aan waxba ahayn. 37 Ninkaas dabadiis, waagii dadka la qori jiray, waxaa kacay Yuudas kii reer Galili, oo dad buu duufsaday; isaguna waa dhintay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen.
  • Cib 5:4-5 : 4 Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay. 5 Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
  • Mat 24:24 : 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Yoox 3:16 : 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Yoox 6:38 : 38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
  • Yoox 12:28 : 28 Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.
  • Yex 23:21 : 21 Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
  • Fal 21:38 : 38 Haddana miyaanad ahayn Masrigii maalmahan hortoodii rabshad kiciyey oo afarta kun oo nin oo dhiigqabayaal ah cidlada u kaxeeyey?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 5:44-45
    2 aayado
    82%

    44Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?

    45Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.

  • Yoox 5:36-42
    7 aayado
    78%

    36Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.

    37Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.

    38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

    40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

    41¶ Anigu dadka ammaan kama qaato.

    42Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.

  • 42Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.

  • 11Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.

  • 20Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.

  • 40¶ Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.

  • 25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

  • Yoox 8:54-55
    2 aayado
    72%

    54Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.

    55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 28¶ Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.

  • Yoox 6:37-38
    2 aayado
    72%

    37Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.

    38Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.

  • 72%

    37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.

    38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.

  • 70%

    27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.

    28Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.

  • 37Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.

  • 4Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan.

  • Yoox 5:31-32
    2 aayado
    70%

    31Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.

    32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.

  • 38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

  • 65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.

  • 24Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.

  • 19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • 70%

    23Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.

    24Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.

  • 70%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

  • 21Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray.

  • Yoox 6:44-45
    2 aayado
    70%

    44Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.

    45Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.

  • 69%

    44¶ Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

    45Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray.

  • 18Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • 48Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.

  • 28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.

  • 49Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

  • 6Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

  • 34Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan.

  • 14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

  • 14Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa.

  • 47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?