Yooxanaa 8:45

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Tim 4:3-4 : 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; 4 oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.
  • Yoox 3:19-20 : 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.
  • Yoox 7:7 : 7 Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
  • Yoox 18:37 : 37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.
  • Gal 4:16 : 16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?
  • 2 Tes 2:10 : 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 8:46-47
    2 aayado
    85%

    46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

    47Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

  • Yoox 8:37-44
    8 aayado
    83%

    37Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.

    38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

    39Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.

    40Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.

    41Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

    42Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.

    43Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.

    44Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.

  • 76%

    25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,

    26laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin.

  • 38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

  • 16Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?

  • 21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.

  • Yoox 8:23-26
    4 aayado
    74%

    23Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.

    24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

    25Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

    26Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.

  • 74%

    37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.

    38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 32Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

  • Yoox 16:9-10
    2 aayado
    73%

    9xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen;

    10xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe;

  • 36¶ Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

  • Yoox 8:13-14
    2 aayado
    73%

    13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

    14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

  • Yoox 3:11-12
    2 aayado
    72%

    11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

    12Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?

  • 72%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

  • 45Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.

  • 49Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.

  • 44¶ Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

  • 3Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.

  • 64Laakiin waxaa dhexdiina jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacangelin lahaa.

  • 70%

    37Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.

    38Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu? Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin.

  • 46¶ Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay?

  • 42Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.

  • 40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

  • 19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • 47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?

  • 1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

  • 16Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray.

  • 27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.