Yooxanaa 8:44

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 12:9 : 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
  • 1 Yoox 3:12 : 12 oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.
  • 1 Yoox 3:8-9 : 8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska. 9 Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah. 10 Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.
  • Fal 13:10 : 10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?
  • 2 Kor 11:3 : 3 Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.
  • Yoox 8:41 : 41 Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.
  • Yoox 8:38 : 38 Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.
  • Yuud 1:6 : 6 oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira.
  • Muj 20:7-9 : 7 ¶ Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay, 8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda. 9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii. 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
  • Muj 21:8 : 8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.
  • Mat 13:38 : 38 beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh.
  • Bil 3:15 : 15 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.
  • Yoox 6:70 : 70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid.
  • 1 But 5:8 : 8 ¶ Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.
  • 2 But 2:4 : 4 Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.
  • 1 Yoox 3:15 : 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa.
  • Muj 20:2-3 : 2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, 3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
  • Muj 13:6-8 : 6 Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan. 7 Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta. 8 Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.
  • Muj 13:14 : 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.
  • Muj 2:10 : 10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.
  • Muj 9:11 : 11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.
  • 1 Yoox 2:4 : 4 Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
  • Fal 5:3 : 3 Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid?
  • 2 Kor 11:13-15 : 13 ¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • 2 Tes 2:9-9 : 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
  • Yac 4:1-7 : 1 ¶ Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan. 3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood. 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa. 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.
  • Bil 3:3-7 : 3 laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine. 4 Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan; 5 waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta. 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay. 7 Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.
  • Bil 4:8-9 : 8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii. 9 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?
  • 1 Boq 22:22 : 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
  • 1 Taar 21:1 : 1 ¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo.
  • 2 Taar 18:20-22 : 20 Markaasaa ruux soo baxay oo Rabbiga hortiisa istaagay, oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? 21 Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel. 22 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.
  • Ayuub 1:11 : 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.
  • Ayuub 2:4-6 : 4 Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. 5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.
  • Muj 22:15 : 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 8:45-49
    5 aayado
    83%

    45Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.

    46Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

    47Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

    48¶ Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa?

    49Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

  • Yoox 8:36-43
    8 aayado
    80%

    36Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.

    37Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.

    38Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

    39Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.

    40Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.

    41Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

    42Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.

    43Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.

  • 8Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.

  • 52Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.

  • 71%

    21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.

    22Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba.

  • 52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • 12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

  • 32Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

  • 19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • Yoox 8:23-25
    3 aayado
    69%

    23Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.

    24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

    25Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

  • 38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.

  • 42Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.

  • 16Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.

  • 20Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?

  • 55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

  • 3Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.

  • 10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

  • 3Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 18Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

  • 30Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha.

  • 19Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh.

  • 21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 34Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

  • 15Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.

  • 19Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.

  • 5Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.

  • 12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 6Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.

  • 27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

  • 13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

  • 7Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona.