Luukos 22:71

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:65-66 : 65 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka. 66 Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.
  • Mark 14:63-64 : 63 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? 64 Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.

  • Mat 26:65-66
    2 aayado
    75%

    65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

    66Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.

  • 21Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e.

  • 75%

    63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

    64Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

  • 13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

  • 30Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weyddiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid.

  • 42oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

  • 11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

  • 71%

    31Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    32Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay.

  • Luuk 20:5-7
    3 aayado
    70%

    5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

    6Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.

    7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

  • 7Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

  • 4Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.

  • 18Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.

  • 25oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.

  • 57Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen,

  • 13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

  • Yoox 5:31-32
    2 aayado
    69%

    31Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.

    32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.

  • 18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • Mat 26:61-63
    3 aayado
    69%

    61oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.

    62Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

    63Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.

  • 31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.

  • Yoox 7:25-26
    2 aayado
    69%

    25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?

    26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?

  • 32Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga.

  • 69%

    29¶ Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.

  • 32Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo.

  • 9Haddii aynu maragfurka dadka aqbali lahayn, maragfurka Ilaah baa ka weyn, waayo, maragfurka Ilaah waa kan oo ah inuu Wiilkiisa ka marag furay.

  • 30Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.

  • 60Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

  • 6Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha; Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.

  • 11¶ Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

  • 2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

  • 15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

  • Mat 21:25-26
    2 aayado
    68%

    25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    26Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

  • 51Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?

  • 31oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

  • 17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 68oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?

  • 42Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye.