Yooxanaa 7:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 18:20 : 20 Ciise ayaa ugu jawaabay, Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin.
  • Maah 18:1-2 : 1 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa. 2 Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
  • Mat 6:5 : 5 ¶ Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
  • Mat 23:5 : 5 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
  • Luuk 6:45 : 45 Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.
  • Mat 6:1-2 : 1 ¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira. 2 ¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
  • 1 Boq 22:13 : 13 Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal.
  • Mat 4:6 : 6 oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa, Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan, Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
  • Mat 6:16 : 16 ¶ Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
  • Fal 2:4-9 : 4 Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka. 5 ¶ Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta. 6 Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya. 7 Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn? 8 Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay? 9 Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya, 10 iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba, 11 iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn. 12 Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • Luuk 8:16-17
    2 aayado
    77%

    16¶ Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.

    17Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin.

  • 22Wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, oo wax daboolanna ma jiro oo aan bannaan soo bixi doonin.

  • Yoox 7:17-18
    2 aayado
    75%

    17Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.

    18Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • Mat 6:1-4
    4 aayado
    74%

    1¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

    2¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

    3Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso,

    4si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

  • Yoox 3:20-21
    2 aayado
    74%

    20Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.

    21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

  • Yoox 7:10-11
    2 aayado
    74%

    10¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.

    11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?

  • 5Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

  • Luuk 12:2-3
    2 aayado
    74%

    2Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin.

    3Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qoolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.

  • 16Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

  • 13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

  • 18si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.

  • 20Ciise ayaa ugu jawaabay, Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin.

  • 22Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?

  • Mark 1:44-45
    2 aayado
    71%

    44oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

    45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • Yoox 5:19-20
    2 aayado
    70%

    19¶ Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.

    20Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 33¶ Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.

  • 13Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

  • 26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?

  • 24¶ Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.

  • 24Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.

  • 29¶ Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid.

  • 4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • 44Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?

  • 16Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.

  • 28Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.

  • 30Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?

  • 26¶ Sidaa darteed ha ka baqina, waayo, wax daboolan ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax qarsoonna ma jiro oo aan la garan doonin.

  • 17Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

  • Ef 5:12-13
    2 aayado
    69%

    12waayo, waxay qarsoodiga ku sameeyaan waa ceeb xataa in laga hadlo.

    13Laakiinse wax kastaba markii la kashifo ayaa lagu muujiyaa nuurka; waayo, wax alla wixii la muujiyaaba waa nuur.

  • 50Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.

  • 69%

    37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.

    38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 25Sidaas oo kalena waxaa jira shuqullo wanaagsan oo bayaan ah, kuwa aan caynkaas ahaynna lama qarin karo.

  • 36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • 44Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.

  • 26Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.