Yooxanaa 11:54

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 7:1 : 1 ¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
  • Yoox 7:4 : 4 Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.
  • 2 Taar 13:19 : 19 Oo Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii.
  • Yoox 4:1-3 : 1 ¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa 2 (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen), 3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
  • 2 Sam 13:23 : 23 ¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.
  • Yoox 7:10 : 10 ¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.
  • Yoox 7:13 : 13 Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.
  • Yoox 10:40 : 40 ¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,
  • Yoox 18:20 : 20 Ciise ayaa ugu jawaabay, Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    55Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.

    56Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?

    57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

  • 40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

  • 3ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

  • Yoox 11:7-8
    2 aayado
    73%

    7Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

    8Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

  • Yoox 2:12-13
    2 aayado
    72%

    12¶ Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

    13¶ Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.

  • 53Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.

  • 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • Yoox 7:9-11
    3 aayado
    71%

    9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

    10¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.

    11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?

  • 43¶ Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • 1¶ Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.

  • Yoox 6:3-4
    2 aayado
    70%

    3Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.

    4Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 1¶ Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.

  • Yoox 18:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

    2Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray.

  • 59Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

  • 30¶ Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.

  • 8Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.

  • 12¶ Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday,

  • 45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.

  • 17Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

  • 11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 13¶ Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

  • 15¶ Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.

  • 54Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.

  • Yoox 7:13-14
    2 aayado
    68%

    13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

    14¶ Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.

  • 66¶ Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.

  • 5Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.

  • 11Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.

  • 35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?

  • 19¶ Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.

  • 30Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.

  • 1¶ Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

  • 28Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,

  • 30Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.

  • 16Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.