Yooxanaa 7:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 1:1 : 1 ¶ Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
  • 1 But 1:1 : 1 ¶ Anigoo ah Butros oo ah rasuulkii Ciise Masiix waxaan warqaddan u qorayaa qariibbada ku kala firidhsan Bontos, iyo Galatiya, iyo Kabbadokiya, iyo Aasiya, iyo Bituniya,
  • Ish 11:12 : 12 Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.
  • Saf 3:10 : 10 Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.
  • Yoox 12:20 : 20 ¶ Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah.
  • Fal 11:18 : 18 Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.
  • Fal 13:46-48 : 46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog. 48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
  • Fal 21:21 : 21 Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon.
  • Fal 22:21 : 21 Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.
  • Ef 3:8 : 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
  • Kol 1:27 : 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.
  • 1 Tim 2:7 : 7 Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.
  • 2 Tim 1:11 : 11 kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.
  • Mat 12:21 : 21 Oo quruumuhu waxay ku rajayn doonaan magiciisa.
  • Luuk 2:32 : 32 Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
  • Yoox 8:22 : 22 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
  • Ish 27:12-13 : 12 ¶ Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa. 13 ¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
  • Ish 49:6 : 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
  • Sab 67:1-2 : 1 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah) 2 In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
  • Sab 98:2-3 : 2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda. 3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
  • Ish 11:10 : 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • Yoox 7:32-34
    3 aayado
    83%

    32¶ Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.

    33Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.

    34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

  • Yoox 7:10-15
    6 aayado
    79%

    10¶ Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.

    11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?

    12Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa.

    13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

    14¶ Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.

    15Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?

  • Yoox 8:20-22
    3 aayado
    78%

    20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

    21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

    22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.

  • 73%

    56Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?

    57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

  • Yoox 11:7-8
    2 aayado
    73%

    7Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.

    8Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?

  • 33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.

  • 25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?

  • 67¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 71%

    16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

    17Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?

    18Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.

    19Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?

  • 5Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa?

  • 19Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.

  • Yoox 7:27-28
    2 aayado
    69%

    27Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.

    28¶ Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.

  • 37Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya.

  • 6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

  • Yoox 18:7-8
    2 aayado
    69%

    7Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared.

    8Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene.

  • 29¶ Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya.

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • 52quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.

  • 19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?

  • 25¶ Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?

  • 19¶ Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood.

  • 45¶ Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?

  • 59Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 14Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

  • 39Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.

  • 52¶ Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?

  • 54¶ Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.

  • 23Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.

  • 22Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?

  • 36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.