Luukos 22:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 11:28 : 28 ¶ Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.
  • Muj 3:20 : 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.
  • Mat 21:3 : 3 oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.
  • Luuk 19:5 : 5 Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.
  • Luuk 19:31 : 31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.
  • Luuk 19:34 : 34 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 93%

    12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

    13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.

    16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

    18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona.

  • Mat 26:17-21
    5 aayado
    89%

    17¶ Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

    18Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.

    19Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen.

    20Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,

    21oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 88%

    12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

    13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

    14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

    15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.

    16Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.

  • Luuk 22:7-10
    4 aayado
    86%

    7¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.

    8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

    9Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?

    10Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.

  • 1¶ Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.

  • 73%

    22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.

    23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.

    24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

  • Mat 26:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,

    2Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo.

  • Mark 11:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.

    2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.

    3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.

  • 20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha.

  • 72%

    20Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,

    21laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,

  • 8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 25Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

  • 71%

    16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

    17oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.

  • 29laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.

  • 4Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.

  • 3oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.

  • 26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.

  • 22¶ Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye.

  • 11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 12¶ Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

  • 7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

  • 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.