Markos 11:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 14:4 : 4 Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.
  • Mat 21:1-9 : 1 ¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray, 2 oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena, 3 oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa. 4 Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi, 5 Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa, Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed. 6 Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen. 7 Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. 8 Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. 9 Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 10 Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay? 11 Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.
  • Mat 21:17 : 17 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.
  • Mat 24:3 : 3 ¶ Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?
  • Mat 26:30 : 30 ¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.
  • Mark 14:13 : 13 Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.
  • Luuk 19:29-40 : 29 Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray, 30 isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena. 31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan. 32 Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi. 33 Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan? 34 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan. 35 Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen. 36 Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen. 37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
  • Yoox 8:1 : 1 ¶ Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.
  • Yoox 12:14-19 : 14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay, 15 Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed. 16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga. 17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey. 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
  • Fal 1:12 : 12 ¶ Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.
  • Mark 6:7 : 7 ¶ Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan.
  • Mark 13:3 : 3 ¶ Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen,
  • 2 Sam 15:30 : 30 ¶ Oo Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 21:1-9
    9 aayado
    93%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,

    2oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena,

    3oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.

    4Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

    5Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa, Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed.

    6Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.

    7Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

  • 92%

    28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

    29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,

    30isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.

    31Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.

    32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

  • Mark 11:2-12
    11 aayado
    86%

    2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.

    3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.

    4Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen.

    5Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka?

    6Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen.

    7Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

    8Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

    9Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo.

    10Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

    11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

    12¶ Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa.

  • 78%

    35Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.

    36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

    37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

  • 76%

    12¶ Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,

    13waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.

    14Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,

    15Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 74%

    12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

    13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

  • 18Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.

  • 39¶ Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.

  • 1¶ Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

  • Mat 11:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

    2¶ Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray

  • 16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

  • 17Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

  • 52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

  • 16¶ Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.

  • 15¶ Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisena macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.

  • 32¶ Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo.

  • 26¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 32¶ Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,