Luukos 9:52

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 10:5 : 5 ¶ Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,
  • Luuk 10:1 : 1 ¶ Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa.
  • Luuk 10:33 : 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.
  • Luuk 17:16 : 16 Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
  • Yoox 8:48 : 48 ¶ Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa?
  • Luuk 7:27 : 27 Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.
  • 2 Boq 17:24-33 : 24 ¶ Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen. 25 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay. 26 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas. 27 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas. 28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen. 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen. 30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa, 31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim. 32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare. 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
  • Cesr 4:1-5 : 1 ¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, 2 ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay. 3 Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray. 4 Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen, 5 oo waxay u soo kiraysteen taliyayaal si ay qasdigoodii uga xumeeyaan, Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris wakhtigiisii oo dhan, iyo tan iyo xataa dowladnimadii Daariyus oo ahaa boqorkii Faaris.
  • Mal 3:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 51¶ Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.

  • 53Iyaguse ma ay dhowayn, waayo, wejigiisa ayaa u jeeday xagga Yeruusaalem.

  • 77%

    11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

    12Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.

  • Mat 10:5-6
    2 aayado
    75%

    5¶ Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,

    6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

  • 75%

    28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

    29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,

  • Luuk 22:8-9
    2 aayado
    74%

    8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

    9Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?

  • Yoox 4:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.

    5Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.

  • Mark 11:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.

    2Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.

  • 72%

    28Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,

    29laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.

  • 40Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.

  • 56Markaasay waxay aadeen tuulo kale.

  • 22¶ Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday.

  • 25¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

  • 71%

    32¶ Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,

    33oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 71%

    13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.

    16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

  • 38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

  • 2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.

  • 1¶ Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,

  • 1¶ Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,

  • 70%

    12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.

    13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.

  • 17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

  • 36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

  • 31oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

  • 8Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.

  • 14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

  • 11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

  • 43Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.

  • 12Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil

  • 31¶ Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.

  • 2Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaargarayn doona;

  • 1¶ Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa.

  • 34Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay.

  • 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • 12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,