Yooxanaa 4:40

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 32:26 : 26 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.
  • Maah 4:13 : 13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
  • Hees 3:4 : 4 Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
  • Yer 14:8 : 8 Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo?
  • Luuk 8:38 : 38 Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,
  • Luuk 10:39 : 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay.
  • Luuk 19:5-9 : 5 Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo. 6 Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey. 7 Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay. 8 Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab. 9 Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim. 10 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
  • Luuk 24:29 : 29 laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
  • Fal 16:15 : 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
  • 2 Kor 6:1-2 : 1 ¶ Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2 waayo, wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay, Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.
  • Muj 3:20 : 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 39¶ Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.

  • Yoox 4:41-43
    3 aayado
    78%

    41Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,

    42oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

    43¶ Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

  • 77%

    28Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,

    29laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.

  • 40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

  • 6Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.

  • Yoox 1:37-39
    3 aayado
    74%

    37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

    38Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?

    39Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.

  • Yoox 4:3-9
    7 aayado
    74%

    3ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

    4Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.

    5Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.

    6Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.

    7¶ Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.

    8Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.

    9Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)

  • 52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • 4Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.

  • 9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • Yoox 4:27-28
    2 aayado
    70%

    27¶ Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?

    28Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,

  • 12¶ Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • 28Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

  • 30Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.

  • Yoox 4:45-47
    3 aayado
    69%

    45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.

    46¶ Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna'um.

    47Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.

  • 20Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 35¶ Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.

  • 10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

  • 38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

  • 30Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.

  • 25¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

  • 22Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin.

  • 7Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • 54Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.

  • 42Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.

  • 33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.

  • 43Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.

  • 35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

  • 15oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.