Falimaha Rasuullada 18:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 1:37-38 : 37 Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya. 38 Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.
  • Fal 20:16 : 16 Maxaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado.
  • Fal 21:13-14 : 13 Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis. 14 Oo markii la yeelsiin waayay, waannu iska daynay, oo waxaannu nidhi, Rabbiga doonistiisu ha noqoto.
  • 1 Kor 16:12 : 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 18:21-23
    3 aayado
    83%

    21laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.

    22Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.

    23Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.

  • Fal 18:18-19
    2 aayado
    78%

    18¶ Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.

    19Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.

  • Fal 20:15-16
    2 aayado
    74%

    15Markaasaannu halkaas ka dhoofnay, oo waxaannu maalintii dambe nimid meel ka soo hor jeedda Khiyos; maalintii kalena waxaannu gaadhnay Samos; maalintii ku xigtayna waxaannu nimid Mileetos.

    16Maxaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado.

  • 28Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

  • Fal 20:2-3
    2 aayado
    74%

    2Oo kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.

    3Oo markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu shirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.

  • 1 Kor 16:7-8
    2 aayado
    73%

    7Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.

    8Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.

  • Fal 21:14-15
    2 aayado
    73%

    14Oo markii la yeelsiin waayay, waannu iska daynay, oo waxaannu nidhi, Rabbiga doonistiisu ha noqoto.

    15¶ Maalmahaas dabadeedna, alaabtayadii baannu diyaarsannay, oo waxaannu tagnay Yeruusaalem.

  • 30Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.

  • 38Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.

  • 4Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin.

  • 11Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.

  • 12Annaga iyo kuwii meeshaas joogayba, markaannu waxyaalahaas maqalnay, waxaannu isagii ka barinnay inuusan Yeruusaalem tegin.

  • Fal 21:6-7
    2 aayado
    71%

    6oo isnabadgelyaynay; kolkaasaannu doonnidii fuulnay, iyaguse guryahoodii bay ku noqdeen.

    7¶ Oo markii dhoofkii aannu Turos ka soo dhoofnay noo dhammaaday, waxaannu nimid Botolemays; markaasaannu walaalihii soo salaannay oo maalin la joognay iyagii.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;

  • 12Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

  • Fal 15:33-34
    2 aayado
    71%

    33Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

    34Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo.

  • 18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

  • 18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

  • 70%

    28Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,

    29laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.

  • 21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

  • 33Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

  • Fal 19:8-9
    2 aayado
    70%

    8¶ Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.

    9Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.

  • 13¶ Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.

  • 18oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.

  • 38iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.

  • Fal 20:5-6
    2 aayado
    70%

    5Laakiin kuwaasu mar horay tageen oo waxay nagu sugayeen Taroo'as.

    6Maalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay.

  • 4Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.

  • 14Markaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.

  • 22Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.

  • 11Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.

  • 40Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.

  • 27Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,

  • 6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

  • 14Oo halkaas waxaan ka helnay walaalo, oo waxay naga baryeen inaan toddoba maalmood iyaga la sii joogno, oo sidaas ayaan Rooma ku nimid.

  • 9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

  • 43Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.

  • 39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.

  • 13¶ Laakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.