Falimaha Rasuullada 25:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 25:17 : 17 Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.
  • Mat 27:19 : 19 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.
  • Fal 25:10 : 10 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.
  • Yoox 19:13 : 13 Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.
  • Fal 18:12-17 : 12 ¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh, 13 Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah. 14 Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa; 15 laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado. 16 Markaasuu iyagii ka eryay kursigii xukumaadda. 17 Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.
  • 2 Kor 5:10 : 10 Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
  • Yac 2:6 : 6 Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 25:7-18
    12 aayado
    84%

    7Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.

    8Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.

    9Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?

    10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.

    11Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.

    12Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.

    13¶ Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee.

    14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;

    15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

    16Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey.

    17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.

    18Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;

  • Fal 25:1-5
    5 aayado
    81%

    1¶ Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.

    2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen

    3oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

    4Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.

    5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.

  • Fal 22:29-30
    2 aayado
    79%

    29Haddaba kuwii doonayay inay isagii imtixaamaan markiiba way ka tageen, xataa sirkaalkii sarena waa cabsaday markuu ogaaday inuu yahay reer Rooma, maxaa yeelay, wuu xidhay.

    30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • Fal 25:23-26
    4 aayado
    79%

    23¶ Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

    24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

    25Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.

    26Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.

  • Fal 25:20-21
    2 aayado
    78%

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

    21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

  • Fal 26:30-32
    3 aayado
    77%

    30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

    31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

    32Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

  • Fal 23:30-33
    4 aayado
    75%

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

    31¶ Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.

    32Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii;

    33kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii.

  • Fal 24:10-11
    2 aayado
    75%

    10¶ Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

    11¶ Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.

  • 27¶ Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.

  • 1¶ Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.

  • 15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

  • 20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • 17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

  • Fal 18:11-12
    2 aayado
    73%

    11Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.

    12¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,

  • 28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;

  • 10Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

  • 24ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.

  • 25Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.

  • 35ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.

  • 6Maalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay.

  • Fal 24:22-23
    2 aayado
    72%

    22¶ Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.

    23Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

  • 8oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.