Falimaha Rasuullada 24:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 25:9 : 9 Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?
  • Fal 25:14 : 14 Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;
  • Fal 12:3 : 3 Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
  • Fal 25:1 : 1 ¶ Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.
  • Mark 15:15 : 15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Fal 26:32 : 32 Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.
  • Fal 28:30 : 30 ¶ Oo laba sannadood oo dhan ayuu iska degganaa hoy uu isagu kiraystay, oo kulli intii u soo gashay oo dhanna wuu soo wada dhoweeyey.
  • Gal 1:10 : 10 Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
  • Fal 26:24-25 : 24 Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay. 25 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan.
  • Luuk 23:24-25 : 24 Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen. 25 Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.
  • Bax 23:2 : 2 Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
  • Maah 29:25 : 25 Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
  • Fal 25:4 : 4 Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.
  • Fal 23:35 : 35 ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 25:12-15
    4 aayado
    85%

    12Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.

    13¶ Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee.

    14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;

    15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

  • Fal 24:22-26
    5 aayado
    80%

    22¶ Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.

    23Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

    24¶ Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.

    25Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.

    26Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.

  • Fal 25:1-6
    6 aayado
    80%

    1¶ Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.

    2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen

    3oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

    4Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.

    5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.

    6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

  • 9Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?

  • Fal 25:20-27
    8 aayado
    76%

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

    21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

    22Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.

    23¶ Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

    24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

    25Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.

    26Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.

    27Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.

  • Fal 24:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.

    2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

  • 4Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray.

  • Fal 23:23-27
    5 aayado
    73%

    23¶ Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah.

    24Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos.

    25Markaasuu qoray warqad sidan ah:

    26¶ Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah.

    27Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.

  • Fal 22:29-30
    2 aayado
    72%

    29Haddaba kuwii doonayay inay isagii imtixaamaan markiiba way ka tageen, xataa sirkaalkii sarena waa cabsaday markuu ogaaday inuu yahay reer Rooma, maxaa yeelay, wuu xidhay.

    30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • 30¶ Oo laba sannadood oo dhan ayuu iska degganaa hoy uu isagu kiraystay, oo kulli intii u soo gashay oo dhanna wuu soo wada dhoweeyey.

  • Fal 26:30-32
    3 aayado
    71%

    30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

    31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

    32Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

  • Fal 23:30-32
    3 aayado
    71%

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

    31¶ Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.

    32Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii;

  • Fal 28:16-17
    2 aayado
    71%

    16¶ Oo markii aannu Rooma galnay ayaa Bawlos waxaa loo oggolaaday inuu keli ahaantiis u joogo isaga iyo askarigii dhawrayay.

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

  • 10¶ Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

  • 17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.

  • 3Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo.

  • 20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • 24Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay.

  • 1¶ Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka.

  • 11Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.