Falimaha Rasuullada 25:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 24:27 : 27 ¶ Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.
  • Fal 25:20 : 20 Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.
  • Fal 12:3 : 3 Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
  • Mark 15:15 : 15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Fal 25:3 : 3 oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 25:10-18
    9 aayado
    82%

    10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.

    11Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.

    12Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.

    13¶ Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee.

    14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;

    15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

    16Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey.

    17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.

    18Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;

  • Fal 25:1-8
    8 aayado
    82%

    1¶ Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.

    2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen

    3oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

    4Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.

    5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.

    6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

    7Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.

    8Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.

  • Fal 25:20-27
    8 aayado
    79%

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

    21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

    22Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.

    23¶ Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

    24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

    25Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.

    26Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.

    27Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.

  • 27¶ Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.

  • Fal 24:9-10
    2 aayado
    75%

    9Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

    10¶ Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

  • Fal 26:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.

    2¶ Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan;

    3maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.

  • Fal 26:30-32
    3 aayado
    73%

    30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

    31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

    32Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

  • 25Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.

  • 30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • Fal 28:17-19
    3 aayado
    72%

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

    19Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.

  • Fal 23:28-30
    3 aayado
    72%

    28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;

    29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

  • 20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • Fal 18:14-15
    2 aayado
    71%

    14Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa;

    15laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado.

  • 12¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,

  • 22¶ Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.

  • 2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

  • 4Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray.

  • 35ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.