Falimaha Rasuullada 25:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 24:13 : 13 Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.
  • Luuk 23:2 : 2 Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.
  • Luuk 23:10 : 10 Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.
  • Fal 24:5-6 : 5 Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta; 6 oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.
  • Fal 21:28 : 28 iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.
  • Fal 25:24 : 24 Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.
  • 1 But 4:14-16 : 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah. 15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale. 16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.
  • Cesr 4:15 : 15 si loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey.
  • Est 3:8 : 8 Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.
  • Sab 27:12 : 12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
  • Sab 35:11 : 11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
  • Mat 5:11-12 : 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Mat 26:60-62 : 60 Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba, 61 oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. 62 Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?
  • Mark 15:3-4 : 3 Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen. 4 Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 25:17-20
    4 aayado
    77%

    17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.

    18Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;

    19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

  • Fal 25:14-15
    2 aayado
    77%

    14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;

    15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

  • Fal 25:5-6
    2 aayado
    77%

    5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.

    6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

  • Fal 25:8-10
    3 aayado
    76%

    8Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.

    9Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?

    10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.

  • Fal 25:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.

    2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen

    3oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

  • Fal 28:17-19
    3 aayado
    75%

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

    19Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.

  • Fal 18:12-13
    2 aayado
    74%

    12¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,

    13Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.

  • Fal 21:27-28
    2 aayado
    74%

    27¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,

    28iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.

  • 30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • Fal 24:19-20
    2 aayado
    73%

    19kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.

    20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

  • Fal 23:28-30
    3 aayado
    72%

    28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;

    29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

  • 20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • 13Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.

  • Fal 25:23-24
    2 aayado
    71%

    23¶ Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

    24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

  • Fal 24:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.

    2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

  • Fal 24:7-9
    3 aayado
    71%

    7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

    8oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.

    9Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

  • 20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,

  • Fal 23:9-10
    2 aayado
    70%

    9Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.

    10Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • 31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.

  • 5Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.

  • 21Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.

  • 15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

  • 13Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.

  • 10Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.

  • 45Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

  • 30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

  • 5¶ Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.

  • 8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.