Falimaha Rasuullada 17:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 17:13 : 13 Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.
  • Room 16:21 : 21 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
  • Xaak 9:4 : 4 Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.
  • Fal 17:7 : 7 iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.
  • Ayuub 30:1-9 : 1 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga. 2 Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa? 3 Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah. 4 Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal, Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa. 5 Iyaga dadka waa laga dhex eryaa, Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale. 6 Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda. 7 Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda, Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed. 8 Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood, Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash. 9 Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay. 10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
  • Sab 35:15 : 15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
  • Sab 69:12 : 12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
  • Maah 14:30 : 30 Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.
  • Ish 26:11 : 11 ¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
  • Mat 27:18 : 18 Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
  • Fal 7:9 : 9 ¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;
  • Fal 13:45 : 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
  • Fal 14:2 : 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.
  • Fal 14:19 : 19 ¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.
  • 1 Kor 3:3 : 3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
  • Gal 5:21 : 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
  • Gal 5:26 : 26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
  • 1 Tes 2:14-16 : 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda, 15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah. 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
  • Yac 4:5 : 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra?
  • Fal 18:12 : 12 ¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,
  • Fal 19:24-34 : 24 Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn; 25 kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna. 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha. 27 Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan. 28 ¶ Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos. 29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen. 30 Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii. 31 Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii. 32 Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen. 33 Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa. 34 Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
  • Fal 19:40 : 40 Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 17:6-10
    5 aayado
    85%

    6Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,

    7iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.

    8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

    9Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.

    10¶ Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.

  • Fal 17:12-13
    2 aayado
    79%

    12Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.

    13Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.

  • Fal 14:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.

    2Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.

  • Fal 16:19-20
    2 aayado
    77%

    19¶ Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,

    20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,

  • Fal 13:44-45
    2 aayado
    77%

    44¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.

    45Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

  • Fal 13:50-51
    2 aayado
    76%

    50Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

    51Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

  • 4Oo waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.

  • Fal 14:4-6
    3 aayado
    74%

    4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

    5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

    6ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;

  • Fal 19:28-29
    2 aayado
    74%

    28¶ Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

    29Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.

  • Fal 21:27-31
    5 aayado
    73%

    27¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,

    28iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.

    29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

    30Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay.

    31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • Fal 18:12-13
    2 aayado
    72%

    12¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,

    13Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.

  • 1¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

  • Fal 19:32-33
    2 aayado
    71%

    32Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.

    33Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.

  • 22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.

  • 17¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,

  • 7Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.

  • 15oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

  • Luuk 4:28-29
    2 aayado
    70%

    28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.

    29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.

  • 19¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

  • 5Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta;

  • 10Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

  • 17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

  • 17Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.

  • 7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

  • 37Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.

  • 39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.

  • 21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

  • 26Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.

  • 9Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.

  • 17Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.