1 Tessaloniika 2:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 5:12 : 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Fal 2:23 : 23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.
  • Fal 7:52 : 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
  • Luuk 11:48-53 : 48 Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda. 49 Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa, 50 in qarnigan la weyddiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida, 51 oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa. 52 Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen. 53 ¶ Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,
  • Luuk 13:33-34 : 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda. 34 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
  • Luuk 24:20 : 20 iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
  • Mat 23:31-35 : 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.
  • Mat 23:37 : 37 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
  • Mat 27:25 : 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
  • Est 3:8 : 8 Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.
  • Aam 7:12 : 12 Oo weliba Amasyaah wuxuu Caamoos ku yidhi, War wax arke yahow, tag, oo dalka Yahuudah u carar, oo halkaas wax ka cun, oo halkaas wax ku sii sheeg.
  • Mat 21:35-39 : 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.
  • Fal 12:3 : 3 Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
  • Fal 22:18-21 : 18 oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan. 19 Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay; 20 oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii. 21 Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.
  • 1 Kor 10:5 : 5 Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada.
  • Fal 3:15 : 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.
  • Fal 4:10 : 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
  • Fal 5:30 : 30 Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.

  • 14Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,

  • Fal 7:51-52
    2 aayado
    78%

    51¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.

    52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • Fal 3:13-15
    3 aayado
    74%

    13Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo.

    14Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,

    15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.

  • 5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

  • 2Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.

  • 2Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.

  • 45Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

  • 27Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

  • 49Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,

  • 9iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.

  • 6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

  • 31Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.

  • 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

  • 22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • 17Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.

  • 12Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.

  • 26Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

  • 27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,

  • 50Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

  • 10Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin?

  • 23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.

  • Fal 17:5-8
    4 aayado
    70%

    5Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.

    6Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,

    7iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.

    8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

  • 23markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.

  • 11Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.

  • 57Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • 24Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

  • 19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

  • 12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.

  • 2 Tes 1:4-5
    2 aayado
    70%

    4Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.

    5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 22Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

  • 21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

  • 12Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.

  • 28oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.

  • 8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 54¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.

  • 34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

  • 3Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.

  • 6oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.

  • 6Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.

  • 6Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.

  • 12Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.