Falimaha Rasuullada 3:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 22:32 : 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
  • Mat 27:2 : 2 Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.
  • Yoox 19:15 : 15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.
  • Fal 7:32 : 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego.
  • Fal 13:27-28 : 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii. 28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.
  • Fal 22:14 : 14 Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.
  • Ef 1:20-23 : 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
  • Fil 2:9-9 : 9 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.
  • Cib 2:9 : 9 Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.
  • Cib 11:9-9 : 9 Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin. 13 ¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah. 14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. 15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. 16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
  • Muj 1:5 : 5 iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,
  • Muj 1:18 : 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
  • Fal 2:23-24 : 23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen. 24 Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.
  • Fal 2:33-36 : 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso 35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 36 ¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
  • Fal 5:30-31 : 30 Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen. 31 Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
  • Bax 3:6 : 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.
  • Sab 2:6-9 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon. 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay. 8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa. 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha. 10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha. 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya. 12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
  • Sab 105:6-9 : 6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow. 7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan. 8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray, 9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay, 10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
  • Sab 110:1-2 : 1 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid. 2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
  • Mat 11:27 : 27 ¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Mat 20:19 : 19 Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.
  • Mat 27:17-25 : 17 Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? 18 Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen. 19 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday. 20 ¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo. 21 Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas. 22 Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 23 Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 24 Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna. 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
  • Mat 28:18 : 18 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
  • Mark 15:11 : 11 Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.
  • Luuk 23:4 : 4 Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.
  • Luuk 23:16-23 : 16 Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 17 Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga. 18 Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa, 19 kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed. 20 Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo. 21 Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. 22 Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 23 Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
  • Yoox 3:35-36 : 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
  • Yoox 5:22-23 : 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
  • Yoox 7:39 : 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
  • Yoox 12:16 : 16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.
  • Yoox 13:31-32 : 31 ¶ Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga. 32 Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.
  • Yoox 16:14-15 : 14 Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa. 15 Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
  • Yoox 17:1-5 : 1 ¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. 4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo. 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
  • Yoox 18:40 : 40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.
  • Yoox 19:12 : 12 Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 3:14-18
    5 aayado
    82%

    14Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,

    15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.

    16Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.

    17¶ Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale.

    18Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono.

  • Fal 5:29-31
    3 aayado
    79%

    29Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.

    30Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.

    31Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.

  • Fal 2:22-23
    2 aayado
    75%

    22¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,

    23markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.

  • 12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • Fal 13:26-27
    2 aayado
    73%

    26¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.

    27Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

  • Fal 4:9-11
    3 aayado
    73%

    9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

    10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.

    11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.

  • 17¶ Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.

  • 36¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

  • Fal 13:30-33
    4 aayado
    72%

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

    31oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

    32Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,

    33oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.

  • 52Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.

  • Fal 3:25-26
    2 aayado
    70%

    25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.

    26Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.

  • 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

  • 27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,

  • Fal 10:39-40
    2 aayado
    70%

    39Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen.

    40Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,

  • 1¶ Walaalayaal iyo aabbayaalow, maqla isdaafacidda aan imminka idiin sheegayo.

  • 17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

  • 15oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

  • 38Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;

  • 17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

  • 32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

  • 45Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud.

  • Fal 6:12-13
    2 aayado
    69%

    12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

    13Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • Fal 22:14-15
    2 aayado
    69%

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.

    15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

  • 35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?

  • 7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

  • 2Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,

  • 19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

  • 14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.

  • 9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 73Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,

  • 20oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay,