Falimaha Rasuullada 4:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 8:5 : 5 Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.
  • Daan 8:8 : 8 Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.
  • Mat 27:16 : 16 Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.
  • Luuk 6:10-11 : 10 Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay. 11 Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
  • Luuk 21:15 : 15 Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin.
  • Yoox 11:47-48 : 47 ¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye. 48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.
  • Yoox 12:18 : 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.
  • Fal 3:7-9 : 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya. 9 Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya; 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
  • Fal 6:10 : 10 Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 4:13-15
    3 aayado
    82%

    13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

    14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

    15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

  • Fal 4:17-23
    7 aayado
    81%

    17Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.

    18Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.

    19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

    20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

    21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

    22Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

    23¶ Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

  • Fal 4:7-10
    4 aayado
    78%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

    9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

    10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.

  • 47¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.

  • Fal 5:27-29
    3 aayado
    75%

    27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

    28oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.

    29Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.

  • Fal 3:10-12
    3 aayado
    75%

    10markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

    11¶ Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

    12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • 40Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.

  • 12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • Fal 14:3-4
    2 aayado
    73%

    3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

    4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

  • 35Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan.

  • 37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

  • Fal 5:38-40
    3 aayado
    72%

    38Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan;

    39laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.

    40¶ Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen.

  • 24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • 14waayo, waxaannu maqalnay isagoo leh, Ciisahan reer Naasared meeshan buu dumin doonaa, wuxuuna beddeli doonaa caadooyinkii Muuse inooga tegey.

  • 7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

  • 12¶ Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.

  • 20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

  • 33¶ Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.

  • 22¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,

  • Fal 10:46-47
    2 aayado
    71%

    46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

  • Fal 5:12-13
    2 aayado
    71%

    12¶ Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.

    13Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;

  • Fal 16:20-22
    3 aayado
    71%

    20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,

    21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.

    22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.

  • 10Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.

  • 4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

  • 16Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.

  • 6Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.