Falimaha Rasuullada 2:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 3:10 : 10 Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?
  • Fal 5:33 : 33 ¶ Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.
  • Fal 7:54 : 54 ¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.
  • Fal 9:5-6 : 5 Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid; 6 laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.
  • Fal 16:29-31 : 29 Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas, 30 markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado? 31 Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.
  • Fal 22:10 : 10 Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.
  • Fal 24:25-26 : 25 Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa. 26 Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.
  • Room 7:9 : 9 Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.
  • 1 Kor 14:24-25 : 24 Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa. 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
  • Cib 4:12-13 : 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.
  • Luuk 3:12 : 12 Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?
  • Luuk 3:14 : 14 Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada.
  • Yoox 8:9 : 9 Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay.
  • Yoox 16:8-9 : 8 Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka; 9 xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen; 10 xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe; 11 xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.
  • Fal 1:16 : 16 Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
  • Yex 7:16 : 16 Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

  • 33¶ Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 36¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

  • Fal 4:7-9
    3 aayado
    76%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

    9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

  • Fal 10:44-48
    5 aayado
    74%

    44¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.

    45Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.

    46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

    48Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

  • 12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

  • 19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

  • 54¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.

  • 5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • 29Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.

  • Fal 16:30-31
    2 aayado
    73%

    30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?

    31Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.

  • 8¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;

  • 12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • Fal 2:41-43
    3 aayado
    72%

    41Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.

    42¶ Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.

    43¶ Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan.

  • 6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

  • 15¶ Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

  • 10Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?

  • 22Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

  • 2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

  • 17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

  • 16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

  • 19Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,

  • 1¶ Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen.

  • Fal 8:14-15
    2 aayado
    71%

    14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

    15kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;

  • 14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.

  • 24Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 18Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.

  • 13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

  • 35Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.

  • 24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

  • 15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

  • 27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

  • Fal 2:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

    8Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay?

  • 32¶ Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.

  • 23kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,

  • 20laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.