Falimaha Rasuullada 2:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 24:47 : 47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.
  • Fal 8:12 : 12 Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.
  • Fal 10:48 : 48 Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.
  • Fal 22:16 : 16 Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.
  • 1 But 3:21 : 21 Biyahaasuna waxay ka dhigan yihiin baabtiiska hadda idinku badbaadiya sarakicidda Ciise Masiix, oo aan ahayn ka fogaynta wasakhda jidhka, laakiinse waxaa weeye baryo ka timaada qalbi wanaagsan oo xagga Ilaah.
  • Fal 3:19 : 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
  • Mark 16:16 : 16 Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.
  • Fal 8:36-38 : 36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso? 37 Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah. 38 Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.
  • Fal 10:44-45 : 44 ¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan. 45 Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 8:15-17 : 15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan; 16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay. 17 Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 20:21 : 21 anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Mat 21:28-32 : 28 ¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
  • Mat 28:19 : 19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,
  • Fal 2:16-18 : 16 Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel, 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan; 18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
  • Ish 44:3-4 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
  • Mat 3:2 : 2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
  • Mat 4:17 : 17 ¶ Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
  • Fal 26:20 : 20 laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
  • Room 6:3 : 3 Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa?
  • Fal 17:30 : 30 Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;
  • Fal 19:4-5 : 4 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise. 5 Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.
  • Fal 26:18 : 18 inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
  • Titus 3:5 : 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,
  • Fal 16:15 : 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
  • Ish 32:15 : 15 ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • Ish 59:21 : 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 36:25-27 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba. 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah. 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
  • Fal 5:31 : 31 Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
  • Mark 1:15 : 15 wuxuuna yidhi, Wakhtigii waa buuxsamay, oo boqortooyadii Ilaah waa soo dhowaatay; toobadkeena oo injiilka rumaysta.
  • Luuk 15:1-9 : 1 ¶ Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan. 2 Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa. 3 ¶ Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, 4 Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? 5 Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. 6 Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? 7 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn. 8 ¶ Ama naagtee baa toban daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? 9 Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda. 11 ¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa. 12 Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa. 13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya. 14 Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo. 15 Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo. 16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga. 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno, 24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan. 25 Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay, wuxuu maqlay muusika iyo cayaar. 26 Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas? 27 Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay. 28 Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay. 29 Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo, 30 Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey. 31 Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh, 32 laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
  • Yex 39:29 : 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
  • Yoel 2:28-29 : 28 ¶ Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, 29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.
  • Mat 3:8-9 : 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.
  • Fal 8:20 : 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.
  • 1 Kor 1:13-17 : 13 Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos? 14 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaanan midkiinna baabtiisin, Kirisbos iyo Gayus maahee 15 inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa. 16 Waxaan kaloo baabtiisay kuwii guriga Istefanas joogay. Weliba garan maayo inaan qaar kale baabtiisay iyo in kale. 17 Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
  • Fal 16:31-34 : 31 Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba. 32 Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan. 33 Markaasuu wakhtiga habeenka qudhiisa iyagii kaxeeyey oo nabrahoodii ka maydhay; oo markiiba waa la baabtiisay isagii iyo dadkiisii oo dhanba. 34 Haddaba gurigiisuu iyagii keenay oo cunto hor dhigay. Isagoo Ilaah rumaysanna ayuu aad ula farxay kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 2:36-37
    2 aayado
    84%

    36¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

    37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

  • Fal 10:43-48
    6 aayado
    78%

    43Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.

    44¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.

    45Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.

    46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

    48Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

  • Fal 1:4-5
    2 aayado
    77%

    4Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,

    5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

  • Fal 2:39-41
    3 aayado
    77%

    39Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.

    40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.

    41Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.

  • Fal 11:14-16
    3 aayado
    76%

    14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.

    15Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.

    16Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

  • Fal 22:15-16
    2 aayado
    76%

    15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

    16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

  • Fal 19:2-5
    4 aayado
    76%

    2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

    4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

    5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

  • Fal 8:14-20
    7 aayado
    76%

    14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

    15kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;

    16maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.

    17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

    18¶ Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,

    19isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.

    20Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.

  • 19Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

  • 8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • 38Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;

  • 8Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

  • 4Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

  • 16Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.

  • 12Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.

  • 22Oo markuu waxaas yidhi ayuu ku neefsaday oo ku yidhi, Aqbala Ruuxa Quduuskaa.

  • 4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.

  • 8¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;

  • 47iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.

  • 22Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

  • 38Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

  • Fal 16:31-32
    2 aayado
    70%

    31Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.

    32Oo ereyga Rabbiga ayay kula hadleen isaga iyo kuwii gurigiisa joogay oo dhan.

  • 19Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,

  • 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 20laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.

  • 36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?