Falimaha Rasuullada 3:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 3:5 : 5 ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin iskufillaantayadu waa xagga Ilaah,
  • Yoox 3:27-28 : 27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin. 28 Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.
  • Fal 14:11-15 : 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
  • Room 9:4 : 4 kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada,
  • Room 11:1 : 1 ¶ De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer binu Israa'iil ah, oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah.
  • Bil 40:8 : 8 Markaasay waxay ku yidhaahdeen isagii, Riyaannu ku riyoonnay, mana jiro mid fasiri karaa. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan Ilaah fasirro lahayn? Haddaba waan idin baryayaaye, bal ii sheega.
  • Bil 41:16 : 16 Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed.
  • Daan 2:28-30 : 28 laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta. 29 Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona. 30 Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.
  • Yoox 7:18 : 18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
  • Fal 2:22 : 22 ¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
  • Fal 10:25-26 : 25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday. 26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.
  • Fal 13:26 : 26 ¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 3:1-11
    11 aayado
    86%

    1¶ Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen.

    2Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.

    3Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga.

    4Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg.

    5Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo.

    6Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco.

    7Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen.

    8Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.

    9Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya;

    10markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

    11¶ Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

  • Fal 4:7-10
    4 aayado
    83%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

    9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,

    10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.

  • 16Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • Fal 4:13-14
    2 aayado
    76%

    13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

    14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

  • 22¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • 13Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo.

  • Fal 4:19-22
    4 aayado
    74%

    19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

    20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

    21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

    22Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

  • 31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Fal 14:8-11
    4 aayado
    74%

    8¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.

    9Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,

    10wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.

    11Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.

  • 46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

  • 12Kolkiiba wuu kacay oo sariirtiisii qaatay; wuuna baxay dadkii oo dhan hortooda, sidaa darteed ayay la wada yaabeen, wayna ammaaneen Ilaah, oo waxay yidhaahdeen, Weligayo sidan oo kale ma aannu arag.

  • Fal 9:32-35
    4 aayado
    73%

    32¶ Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd.

    33Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.

    34Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay.

    35Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

  • 12¶ Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.

  • 12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

  • 12Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco?

  • 7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

  • 15xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.

  • 43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

  • 11Tanu xagga Rabbiga bay ka timid; Oo waa ku yaab indhahayaga?

  • 30Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.

  • 4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.