Markos 12:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Tanu xagga Rabbiga bay ka timid; Oo waa ku yaab indhahayaga?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 2:32-36 : 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso 35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 36 ¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
  • Fal 3:12-16 : 12 ¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga? 13 Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo. 14 Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo, 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay. 16 Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
  • Fal 13:40-41 : 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh, 41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
  • Ef 3:8-9 : 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin, 9 iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. 10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah, 11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,
  • Kol 1:27 : 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.
  • 1 Tim 3:16 : 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
  • Tir 23:23 : 23 Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!
  • Sab 118:23 : 23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
  • Xab 1:5 : 5 ¶ Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.
  • Fal 2:12 : 12 Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    22Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

    23Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.

  • 42Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?

  • Mark 12:8-10
    3 aayado
    84%

    8Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen.

    9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.

    10Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin Dhagixii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

  • 81%

    16Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.

    17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?

    18Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.

  • 11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.

  • 72%

    40Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

    41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • 38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

  • Mark 13:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin!

    2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • 15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

  • 23Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?

  • Luuk 21:5-6
    2 aayado
    71%

    5¶ Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi,

    6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.

  • 30Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.

  • 12¶ Markaasay waxay dooneen inay qabtaan, laakiin dadkay ka baqeen; waayo, way garteen inuu masaalka iyaga kaga hadlay, markaasay iska daayeen oo ka tageen.

  • Fal 3:11-12
    2 aayado
    71%

    11¶ Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

    12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 70%

    10Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

    11¶ Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.

  • 47¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.

  • 16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.

  • 37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?

  • 33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.

  • 16Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.

  • 28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

  • 6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

  • 3Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.

  • 21Oo gurigan aad u dheerna ku alla kii soo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

  • 2Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • 17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

  • 44Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

  • 17Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo.

  • 18Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.

  • 31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 5Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

  • 37¶ Daa'uud qudhiisa ayaa ugu yeedhay Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? Dadkii badnaana farxad bay ku maqleen.

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • 18Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • 17Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay. Wayna ka yaabeen.

  • 26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

  • 26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.