2 Timoteyos 3:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 14:22 : 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
  • 1 But 4:12-16 : 12 ¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi. 13 Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo. 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah. 15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale. 16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.
  • 1 But 2:20-21 : 20 Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo. 21 Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.
  • 1 But 3:14 : 14 Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.
  • Titus 2:12 : 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,
  • 1 Kor 15:19 : 19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
  • Yoox 15:19-21 : 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan. 21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray.
  • Yoox 16:2 : 2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Yoox 17:14 : 14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
  • 2 Kor 1:12 : 12 ¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
  • 1 Tes 3:3-4 : 3 inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. 4 Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.
  • Yash 17:14 : 14 ¶ Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.
  • Sab 37:12-15 : 12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa. 13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso. 14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman. 15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
  • Mat 5:10-12 : 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Mat 10:22-25 : 22 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona. 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado. 24 ¶ Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo. 25 Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.
  • Mat 16:24 : 24 ¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
  • Mat 23:34 : 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
  • Mark 10:30 : 30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
  • Luuk 14:26-27 : 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo. 27 Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo.
  • Cib 11:32-38 : 32 ¶ Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
  • 1 Tim 3:16 : 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
  • 1 Tim 6:3 : 3 ¶ Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada,
  • Titus 1:1 : 1 ¶ Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
  • 1 But 5:9-9 : 9 Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira. 10 Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.
  • 2 But 3:11 : 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,
  • Muj 1:9-9 : 9 ¶ Anigoo Yooxanaa ah oo walaalkiin ah iyo mid idinkala qayb galay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada ku jira Ciise, waxaan gasiiradda Batmos la yidhaahdo u joogay erayga Ilaah iyo u markhaatifuridda Ciise aawadood. 10 Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh,
  • Muj 7:14 : 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
  • Muj 12:4 : 4 Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho.
  • Muj 12:7-9 : 7 ¶ Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen; 8 kamana ay adkaan, meeshoodiina mar dambe samada lagama helin. 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga. 10 ¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.
  • 1 Tim 2:2 : 2 khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    10¶ Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,

    11iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey.

  • 2 Tes 1:4-6
    3 aayado
    77%

    4Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.

    5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

    6Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,

  • 76%

    16idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah.

    17Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.

  • 75%

    13¶ Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?

    14Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.

  • 13Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.

  • 3Dhibaato ka qayb qaado sida askari wanaagsan oo Ciise Masiix.

  • 13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 1 Tes 3:3-4
    2 aayado
    73%

    3inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay.

    4Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.

  • 16Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan.

  • 13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

  • 73%

    14Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,

    15oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

  • 12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.

  • Mat 5:10-12
    3 aayado
    73%

    10Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

    11Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.

    12Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

  • 22Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.

  • Fil 1:28-30
    3 aayado
    72%

    28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.

    29Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan,

    30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

  • 72%

    19Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.

    20Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.

    21Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.

  • 35Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?

  • 1 But 5:9-10
    2 aayado
    72%

    9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

    10Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.

  • 2 Tim 2:9-10
    2 aayado
    71%

    9kan aan u dhibtoodo oo aan u xidhnahay sidii mid wax xun falay; laakiinse erayga Ilaah ma xidhna.

    10Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix.

  • 12Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.

  • 9Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.

  • 9waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.

  • 12haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa;

  • 12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

  • 1¶ Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan.

  • 3¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.

  • 17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.

  • 10Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • 20Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan.

  • 8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.

  • 5Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

  • 12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

  • 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

  • 22iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.