2 Timoteyos 3:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • 2 But 2:20 : 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
  • Yex 14:9-9 : 9 Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa. 10 Oo iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista,
  • 1 Tim 4:1 : 1 ¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,
  • 2 Tim 3:8 : 8 Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay.
  • 2 Tim 2:16-17 : 16 Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta, 17 oo hadalkoodu sida waraabowgu u faafo ayuu u sii faafi doonaa; iyaga waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos,
  • 2 Tes 2:6-9 : 6 Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo. 7 Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga. 8 Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono. 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
  • Ayuub 12:16 : 16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
  • Ish 44:20 : 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
  • 2 But 3:3 : 3 Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,
  • Muj 12:9 : 9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
  • Muj 13:14 : 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.
  • Muj 18:23 : 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;

  • 12Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.

  • 2 But 2:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.

    2Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

    3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

  • 33Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.

  • 26¶ Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya.

  • 2 Tim 3:1-9
    9 aayado
    73%

    1¶ Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan.

    2Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,

    3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,

    4iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.

    5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

    6Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen,

    7oo weligood wax baranaya, laakiinse aan marnaba awoodin inay runta gartaan.

    8Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay.

    9Laakiinse hore uma socon doonaan, waayo, nacasnimadoodu bayaan bay dadka oo dhan u noqon doontaa sidii ay kuwaas toodiiba u noqotay.

  • 20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

  • 30oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.

  • 18Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

  • 13¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.

  • 1¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,

  • 3Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,

  • 71%

    16siduu warqadihiisii oo dhan waxyaalahan ugaga hadlay. Kuwaas waxaa ku jira wax in la gartaa ay dhib tahay, oo jaahiliinta iyo kuwaan adkayn ayaa qalloociya, siday Qorniinka kaleba u qalloociyaan oo ay u halligmaan.

    17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

  • 3Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga,

  • 70%

    13Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.

    14Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.

  • 69%

    10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

    11Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,

  • 22Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.

  • 69%

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

  • Mat 24:11-12
    2 aayado
    69%

    11Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

    12Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa.

  • 2 Yoox 1:7-8
    2 aayado
    69%

    7Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.

    8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • 21Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.

  • 3Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.

  • 2 Tim 4:3-4
    2 aayado
    69%

    3Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;

    4oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.

  • 18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

  • 16Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,

  • 22Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

  • 3Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.

  • 5Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.

  • 9Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.

  • 10¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.

  • 14Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.

  • 14Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;

  • 29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,