Efesos 5:6
Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.
Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,
6waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.
7Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.
8Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.
7Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,
3Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
4iyo ceeb, iyo hadal nacasnimo ah, iyo kaftan bilaash ah, oo aan idinku habboonayn, laakiinse waxaa idinku wacan mahadnaqid.
5Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
4¶ Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.
9Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
10ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
5mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin;
6inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay.
7Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.
20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.
3Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga,
18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;
26Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan.
3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,
8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
17Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.
21xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;
7¶ Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay.
2kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada.
3Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.
33Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.
34Si qumman u toosa oo hana dembaabina, waayo, qaar baan Ilaahba aqoonin. Waxaan taas u leeyahay inaan idinka xishoodsiiyo.
18Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga,
31Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;
5iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.
15¶ Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.
17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.
10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.
5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.
14Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
36Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
8¶ Iska jira yaan ninna idinku dhicin faylosofiyadiisa iyo khiyaanadiisa bilaashka ah xagga caadooyinka dadka iyo waxyaalaha dunida ugu horreeya oo aan ka iman xagga Masiixa,
14Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.
10Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.
18¶ Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.
8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.
16Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,
8Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.
4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.
6annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,