Rooma 1:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ef 5:6 : 6 Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.
  • Kol 3:6 : 6 waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.
  • 2 Tes 2:10 : 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.
  • Room 1:32 : 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
  • 1 Tim 4:1-2 : 1 ¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada, 2 oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.
  • Room 5:9 : 9 Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.
  • Room 6:13 : 13 Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.
  • Room 4:15 : 15 maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.
  • Room 5:6 : 6 ¶ Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.
  • Room 2:3 : 3 Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?
  • Room 2:15-23 : 15 Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo, 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay. 17 ¶ Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid, 18 oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray, 19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira, 20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?
  • Luuk 12:46-47 : 46 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn. 47 Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa.
  • Yoox 3:19-21 : 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
  • Fal 24:24-25 : 24 ¶ Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix. 25 Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.
  • Room 1:19 : 19 maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.
  • Room 1:28 : 28 ¶ Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 1:19-21
    3 aayado
    82%

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

    21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • Room 2:8-9
    2 aayado
    79%

    8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,

    9iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.

  • 6waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.

  • Room 2:2-5
    4 aayado
    78%

    2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.

    3Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?

    4Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?

    5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,

  • 2 Tes 1:8-9
    2 aayado
    77%

    8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.

    9Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,

  • Room 3:5-7
    3 aayado
    76%

    5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

    6Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?

    7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

  • Room 1:23-32
    10 aayado
    76%

    23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.

    24¶ Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo;

    25maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.

    26¶ Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray.

    27Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen; rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa.

    28¶ Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,

    29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

    30iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah,

    31iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.

    32Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.

  • 20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

  • 75%

    10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

    11Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,

    12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.

  • 15inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.

  • 74%

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

  • 18Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.

  • 3Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa.

  • Room 3:9-11
    3 aayado
    73%

    9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

    10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

    11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;

  • 30Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • 5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 16Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.

  • 10oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.

  • 1 Tim 1:9-10
    2 aayado
    72%

    9Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,

    10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,

  • 11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.

  • 7Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.

  • 18Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.

  • 71%

    3Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.

  • 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • 36Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.