Yuudas 1:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 94:4 : 4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
  • 1 Sam 2:3 : 3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.
  • Sab 9:7-8 : 7 Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid. 8 Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
  • Sab 31:18 : 18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
  • Sab 37:6 : 6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
  • Sab 50:1-6 : 1 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay. 2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay. 3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn. 4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed. 5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari. 6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
  • Sab 73:9 : 9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
  • Muj 13:5-6 : 5 Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood. 6 Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.
  • Muj 13:11 : 11 ¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.
  • Muj 22:12-15 : 12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay. 13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka. 14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan. 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.
  • Muj 22:20 : 20 ¶ Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.
  • Bax 16:8 : 8 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.
  • Sab 98:9 : 9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
  • Sab 149:9 : 9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
  • Wacd 11:9 : 9 ¶ Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono.
  • Wacd 12:14 : 14 Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
  • Ish 37:22-36 : 22 taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay. 23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil. 24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan. 25 Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan. 26 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah. 27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin. 28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba. 29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid. 30 ¶ Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna. 31 Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan. 32 Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta. 33 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo. 34 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo. 35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis. 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
  • Daan 7:20 : 20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
  • Daan 11:36 : 36 ¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.
  • Mal 3:13-15 : 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay? 14 Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay? 15 Oo haatan waxaannu kuwa kibirka leh ugu yeedhnaa, Kuwa barakaysan, kuwa xumaanta ka shaqeeyaa way barwaaqoobaan; xataa Ilaah way jirrabaan, oo haddana way samatabbaxaan.
  • Mat 12:31-37 : 31 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona. 33 ¶ Ama geedka wanaajiya iyo midhihiisaba, ama geedka xumeeya iyo midhihiisaba, waayo, geedka waxaa lagu gartaa midhihiisa. 34 Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan. 35 Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah. 36 Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan. 37 Waayo, hadalladaada ayaa lagugu caddayn doonaa inaad xaq tahay, oo hadalladaada ayaa lagugu xukumi doonaa.
  • Yoox 5:22-23 : 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
  • Yoox 5:27 : 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha.
  • Fal 17:31 : 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • Room 2:16 : 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
  • Room 3:19-20 : 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.
  • Room 14:10 : 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah.
  • 1 Kor 4:5 : 5 Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
  • 1 Kor 5:13 : 13 Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.
  • 1 Tim 1:9 : 9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
  • 2 But 2:6-9 : 6 Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa, 7 oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd. 8 Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay. 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
  • Yuud 1:16 : 16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yuud 1:13-14
    2 aayado
    77%

    13iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.

    14¶ Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • Yuud 1:16-18
    3 aayado
    74%

    16Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.

    17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

    18Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

  • 18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

  • 2 Tes 1:8-10
    3 aayado
    74%

    8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.

    9Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,

    10markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.

  • 2 But 2:8-10
    3 aayado
    73%

    8Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.

    9Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

    10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 7Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.

  • 2 But 2:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.

    6Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,

  • Yuud 1:7-8
    2 aayado
    72%

    7Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

    8¶ Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.

  • Room 2:2-3
    2 aayado
    72%

    2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.

    3Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?

  • 5Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.

  • Room 2:5-6
    2 aayado
    72%

    5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,

    6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,

  • 12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.

  • 24Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.

  • 29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

  • 8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,

  • 27Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.

  • 5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 10Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.

  • 70%

    15Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.

    16Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.

  • 5Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

  • 20Kuwa dembaaba inta kale oo dhan hortooda ku canaano in kuwa kalena ay cabsadaan.

  • 3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

  • 10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,

  • 17Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?

  • 11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.

  • 13Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.

  • 9Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.

  • 31iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.

  • 7Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,

  • 11Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.