2 Butros 2:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 119:158 : 158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
  • Maah 25:26 : 26 Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
  • Sab 119:136 : 136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
  • Yex 9:4 : 4 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.
  • Yex 9:6 : 6 Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
  • Mal 3:15-17 : 15 Oo haatan waxaannu kuwa kibirka leh ugu yeedhnaa, Kuwa barakaysan, kuwa xumaanta ka shaqeeyaa way barwaaqoobaan; xataa Ilaah way jirrabaan, oo haddana way samatabbaxaan. 16 Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday. 17 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.
  • 1 Tim 1:9 : 9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
  • Yac 5:16 : 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
  • Sab 119:139 : 139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
  • Maah 28:12 : 12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 But 2:4-7
    4 aayado
    87%

    4Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.

    5Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.

    6Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,

    7oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.

  • 9Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

  • 20Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

  • 11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.

  • 15inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.

  • Bil 18:23-26
    4 aayado
    71%

    23Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala?

    24Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?

    25Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?

    26Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.

  • 7Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

  • Room 2:8-9
    2 aayado
    71%

    8laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,

    9iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 29Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.

  • Bil 13:12-13
    2 aayado
    70%

    12Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.

    13Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

  • 2 Tes 1:5-6
    2 aayado
    70%

    5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

    6Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,

  • 5Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.

  • 8Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.

  • 9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.

  • 9Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • Xab 1:3-4
    2 aayado
    69%

    3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

    4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

  • 18Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?

  • 5Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,

  • Room 2:2-3
    2 aayado
    69%

    2Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.

    3Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?

  • 5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,

  • 8Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.

  • 21Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 6Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

  • 13Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.

  • 15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • 7Oo wuxuu yidhi, Waan idin baryayaaye, walaalahayow, ee wax sidaas u xun ha samaynina.

  • 6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

  • 5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

  • 12Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda; Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 13waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno.

  • 9Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,

  • 16¶ Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.