Yuudas 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 57:20 : 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.
  • 2 But 2:17 : 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.
  • Fil 3:19 : 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.
  • Muj 8:10-11 : 10 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa; 11 oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.
  • Muj 14:10-11 : 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa. 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.
  • Muj 20:10 : 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
  • Muj 21:8 : 8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.
  • Yer 5:22-23 : 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan. 23 Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.
  • Sab 65:7 : 7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • 2 Tim 3:13 : 13 Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    17Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.

    18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

  • Yuud 1:10-12
    3 aayado
    81%

    10Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.

    11Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax.

    12Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey;

  • 76%

    12Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan.

    13Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.

    14Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.

  • Yuud 1:6-8
    3 aayado
    75%

    6oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira.

    7Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

    8¶ Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.

  • 10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • Yuud 1:14-19
    6 aayado
    72%

    14¶ Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,

    15inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.

    16Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.

    17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

    18Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

    19Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

  • 2 But 2:3-4
    2 aayado
    71%

    3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

    4Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 7Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.

  • 13oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo.

  • 2 Tes 1:8-9
    2 aayado
    70%

    8oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.

    9Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,

  • 10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 19Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

  • 15Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

  • 38Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.

  • 20Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.

  • 15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

  • 25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.

  • 13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,

  • 22Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

  • 27Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.

  • 9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.

  • 5Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.

  • 20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

  • 31iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.

  • 10Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

  • 23qaarna dabka ka dhufta oo badbaadiya, qaarna u naxariista idinkoo cabsanaya oo nacaya xataa dharka jiidhka ku wasakhoobay.

  • 17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

  • 10¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,