2 Butros 1:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 22:16 : 16 ¶ Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa.
  • Sab 119:105 : 105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
  • Muj 2:28 : 28 oo weliba waxaan siin doonaa xiddigta waaberi.
  • Ish 9:2 : 2 Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.
  • Yoox 5:35 : 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa.
  • Yoox 5:39 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
  • Yoox 8:12 : 12 ¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
  • Fal 15:29 : 29 Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.
  • Fal 17:11 : 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
  • 2 Kor 4:4-6 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga. 5 Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis. 6 Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.
  • Ef 5:7-8 : 7 Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur, 8 haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,
  • Yac 2:8 : 8 Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan.
  • 1 But 1:10 : 10 Nebiyadii sii sheegay nimcada idiin imanaysa waxay doondooneen oo aad u raadiyeen wax ku saabsan badbaadadaas.
  • 1 Yoox 5:10 : 10 Ka Wiilka Ilaah rumaystaa maragguu ku haystaa nafsaddiisa, kii aan Ilaah rumaysanna, wuxuu isaga ka dhigay beenaaleh; maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan maraggii uu Ilaah ka marag furay Wiilkiisa.
  • 3 Yoox 1:6 : 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;
  • Ish 41:21-23 : 21 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara. 22 Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa. 23 Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.
  • Ish 41:26 : 26 Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
  • Ish 60:1-2 : 1 ¶ Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay. 2 Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa.
  • Mat 4:16 : 16 Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.
  • Luuk 1:78-79 : 78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta, 79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
  • Luuk 16:29-31 : 29 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen. 30 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan. 31 Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
  • Yoox 1:7-9 : 7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. 8 Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo. 9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
  • Sab 19:7-9 : 7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa. 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa. 9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
  • Maah 6:23 : 23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
  • Ish 8:20 : 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah.

  • 75%

    15Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.

    16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

    17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

    18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • 6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

  • 5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

  • 2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.

  • Luuk 1:78-79
    2 aayado
    71%

    78Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,

    79Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

  • 1¶ Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,

  • 18Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.

  • 1 Tes 5:4-5
    2 aayado
    71%

    4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

    5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

  • 13¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.

  • 17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

  • 13iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.

  • 1 But 1:6-7
    2 aayado
    70%

    6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

    7Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.

  • 70%

    35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.

    36Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 20Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.

  • 69%

    10Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

    11Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.

    12¶ Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

  • 19tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya,

  • 5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

  • 2Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.

  • 19oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira,

  • Bil 1:16-17
    2 aayado
    69%

    16Oo Ilaah wuxuu sameeyey labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta, iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey.

    17Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

  • 2 But 1:3-4
    2 aayado
    69%

    3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

    4Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

  • 1¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.

  • 1¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.

  • 19¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa

  • 8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

  • 3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.

  • 16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.

  • 11Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta,

  • 5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • 1¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,

  • 3Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.

  • 12¶ Haddaba rajo caynkaas ah oo aannu leennahay aawadeed bayaan ayaannu u hadalnaa.

  • 16¶ Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.

  • 20Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin,