2 Timoteyos 3:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 23:27-28 : 27 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
  • Room 2:20-24 : 20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa? 22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa? 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis? 24 Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.
  • Ish 29:13 : 13 ¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
  • Yex 33:30-32 : 30 Oo weliba Wiilka Aadamow, dadkaagu derbiyada dhinacooda iyo guryaha irdahooda ayay kugu hadal hayaan, oo midkoodba wuxuu kan kale ku yidhaahdaa, oo midba walaalkiis ku yidhaahdaa, Waan ku baryayaaye bal kaalay oo maqal waxa uu yahay erayga Rabbiga ka imanayaa! 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda. 32 Bal eeg, waxaad iyaga u tahay sida balwo caashaq ah oo uu mid cod wanaagsan oo alaab muusikeed si wacan ugu cayaari yaqaan ku balweeyo, waayo, erayadaada way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan.
  • Mat 7:15 : 15 ¶ Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.
  • 1 Tim 5:8 : 8 Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.
  • 1 Tim 6:5 : 5 iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.
  • 2 Tim 2:16 : 16 Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,
  • 2 Tim 2:23 : 23 Iska diid su'aalaha nacasnimada iyo jaahilnimada ah, adigoo og inay dagaallo dhalaan.
  • Titus 1:16 : 16 Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.
  • Titus 3:10 : 10 Haddaad nin bidci ah mar iyo laba waanisid dabadeed ka leexo,
  • 2 Yoox 1:10-12 : 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina, 11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah. 12 ¶ In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
  • Ish 48:1-2 : 1 ¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. 2 Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
  • Ish 58:1-3 : 1 ¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. 2 Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.
  • Room 16:17-18 : 17 ¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
  • Ef 4:14 : 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
  • 2 Tes 3:6 : 6 ¶ Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen.
  • 2 Tes 3:14 : 14 Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.

  • 2 Tim 3:6-7
    2 aayado
    77%

    6Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen,

    7oo weligood wax baranaya, laakiinse aan marnaba awoodin inay runta gartaan.

  • 2 Tim 3:2-4
    3 aayado
    77%

    2Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,

    3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,

    4iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.

  • 16Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.

  • Kol 2:22-23
    2 aayado
    73%

    22Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka.

    23Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.

  • 6Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,

  • 1 Tim 4:7-8
    2 aayado
    73%

    7Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,

    8waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • Yuud 1:18-19
    2 aayado
    72%

    18Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

    19Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

  • 14iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.

  • 3¶ Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada,

  • 1 Tim 4:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,

    2oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.

  • 12oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,

  • Ef 5:6-7
    2 aayado
    72%

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

    7Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,

  • 4oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.

  • 16Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,

  • 12Iimaankoodii hore way naceen, oo sidaas daraaddeed waa la xukumay.

  • 23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.

  • 18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

  • 13¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.

  • 12¶ Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.

  • 2 But 2:1-3
    3 aayado
    70%

    1¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.

    2Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

    3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

  • 70%

    20¶ Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,

    21oo qaar qirashadeeda aawadeed iimaanka ku gafeen. Nimco ha idinla jirto.

  • 11¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.

  • 25maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.

  • 9Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

  • 10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

  • 3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

  • 18Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.

  • 19Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan.

  • 22Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

  • 15Waayo, hadda ka hor qaar baa xagga Shayddaanka u leexday.

  • 7Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

  • 13Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.

  • 17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

  • 69%

    20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

    21Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.

  • 10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 22Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.