Yuudas 1:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 But 3:3 : 3 Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,
  • Yuud 1:16 : 16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.
  • 2 Tim 4:3 : 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;
  • 2 But 2:1 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.
  • Fal 20:29 : 29 Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;
  • 1 Tim 4:1-2 : 1 ¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada, 2 oo waxay kaga fogaan doonaan labawejiilenimada dadka beenta ku hadla oo qalbigooda la gubay sida isagoo bir kulul lagu dhejiyey.
  • 2 Tim 3:1-5 : 1 ¶ Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan. 2 Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn, 3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn, 4 iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen. 5 Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.
  • 2 Tim 3:13 : 13 Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.
  • Sab 14:1-2 : 1 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya. 2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 But 3:2-4
    3 aayado
    89%

    2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.

    3Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,

    4oo waxay odhan doonaan, Ballankii imaatinkiisii meeh? Waayo, haatan iyo maalintii awowayaashii ay dhinteen wax waluba waxay u socdaan sidii ay ahaayeen tan iyo bilowgii abuurniinta.

  • Yuud 1:15-17
    3 aayado
    81%

    15inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.

    16Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.

    17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 19Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • 2 Tim 3:1-6
    6 aayado
    76%

    1¶ Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan.

    2Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,

    3iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,

    4iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.

    5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

    6Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen,

  • 2 But 2:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.

    2Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

    3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

  • 1 But 4:2-4
    3 aayado
    73%

    2si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.

    3Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.

    4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

  • 73%

    13Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.

    14Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.

  • 2 Tim 4:3-4
    2 aayado
    72%

    3Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;

    4oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.

  • 10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 13Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.

  • Yuud 1:7-8
    2 aayado
    71%

    7Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

    8¶ Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan.

  • 1¶ Laakiin Ruuxu bayaan buu u sheegayaa in wakhtiga ugu dambaysta qaar ka fogaan doono iimaanka, iyagoo dhegaysanaya ruuxaxa khiyaaneeya iyo cilmiyada jinniyada,

  • 71%

    16siduu warqadihiisii oo dhan waxyaalahan ugaga hadlay. Kuwaas waxaa ku jira wax in la gartaa ay dhib tahay, oo jaahiliinta iyo kuwaan adkayn ayaa qalloociya, siday Qorniinka kaleba u qalloociyaan oo ay u halligmaan.

    17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.

  • 3Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.

  • 16Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,

  • 14Idinkoo ah carruur addeec leh ha raacina damacyadiinnii hore oo aad ku samayseen jaahilnimadiinnii;

  • 19Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan.

  • 6Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,

  • 30oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.

  • Yuud 1:12-13
    2 aayado
    69%

    12Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey;

    13iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.

  • 29iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,

  • 69%

    6Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.

  • 10Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.

  • 17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

  • 20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

  • 26¶ Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya.

  • 7Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.

  • 5mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin;

  • 10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,

  • 18¶ Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay.