Falimaha Rasuullada 26:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 21:30-31 : 30 Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay. 31 Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.
  • Fal 21:27 : 27 ¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,
  • Fal 22:22 : 22 ¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.
  • Fal 23:12-15 : 12 ¶ Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
  • Fal 25:3 : 3 oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 22:17-22
    6 aayado
    78%

    17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

    18oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.

    19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

    20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

    21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

    22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • Fal 26:9-13
    5 aayado
    78%

    9¶ Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared.

    10Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.

    11Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.

    12¶ Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,

    13ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.

  • Fal 22:3-7
    5 aayado
    77%

    3¶ Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.

    4Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.

    5Sidatan ayay iigu markhaati furayaan wadaadka sare iyo waayeelladii oo dhammuba, kuwaasoo aan warqado uga helay walaalaha, oo aan Dimishaq u sodcaalay inaan kuwa halkaas joogayna, iyagoo xidhxidhan, Yeruusaalem keeno si loo ciqaabo.

    6¶ Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.

    7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

  • Fal 21:27-32
    6 aayado
    77%

    27¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,

    28iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.

    29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

    30Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay.

    31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.

    32Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen.

  • 22Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;

  • Fal 9:23-24
    2 aayado
    76%

    23¶ Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan;

    24laakiin Sawlos waa ogaaday tashigoodii. Haddaba habeen iyo maalinba irdaha magaalada bay ka fiirin jireen inay dilaan;

  • Fal 28:17-19
    3 aayado
    75%

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

    19Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.

  • 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

  • 21Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.

  • 27Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.

  • 19¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

  • 32Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.

  • 18Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid

  • 4Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay.

  • 5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

  • 13Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis.

  • 15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

  • Fal 24:20-21
    2 aayado
    72%

    20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

    21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • Fal 24:6-7
    2 aayado
    72%

    6oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.

    7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • 12Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.

  • 19¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

  • 20laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.

  • 17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,

  • 30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

  • 11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

  • 29wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan.